Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibadda Oo Beeniyey Inuu U Tanaasulay Muuse Biixi Cabdi Adiss Ababa-na Ku Kulmeen Gudi Ka Socota Garabka Muuse

0
708
Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibadda Oo Beeniyey Inuu U Tanaasulay Muuse Biixi Cabdi Adiss Ababa-na Ku Kulmeen Gudi Ka Socota Garabka MuuseWasiirkii Hore ee Wasaaradda arimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa beeniyey warar dhawaan ay warbaahintu qoraysay oo sheegaya in isaga iyo saaxiibkii Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ay dalka itoobiya kula kulmeen Ergo ka koobnayd ganacsato iyo odayaal ka socday garabkii ay siyaasadda ku kala fogaadeen ee uu hogaaminaayey Muuse Biixi Cabdi

 

Ergadan o ay saxaafaddu baahisay inuu hor kacayey Ganacsade Maxamed Aw-siciid oo isna ku sugan Magaaladda Adiss Ababa ee dalka itoobiya ayaa waxaa waxba kamaa jiraan ku tilmaamay Md Maxamed Biixi Yoonis oo maalinimadii Shalay dalka dib ugu soo guryo noqday ayaa Wargeyska Xog-ogaal xalay Khadka teleefanka kula xidhiidhay isaga oo hargeysa jooga ayaa ugu horayn wax ka waydiiyey wararka suuqa soo galay ee ay warbaahintu baahisay waxaana uu ku jawaabay ” Wax Ka jiraa ma jiraan cid aan Itoobiya kula kulmayna ma jirto waa warar been abuur ah oo suuqa la gashaday” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee arimaha dibadu

 

Dhinaca Kale Garabkii isbahaystay ee Xisbiga Kulmiye oo ka koobnaa xubno miisaan culus ku lahaa saaxadda Siyaasadda Somaliland iyo xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay dadku beryahan ka Dhursugayeen halka ay iskugu soo biyo shubtaan iyaga iyo Taageerayaasoodu ayaa la sheegayaa inay wada hadalo la furi doonaan labada xisbi Mucaarad ee Ucid Iyo Waddani iyada oo dhwaan garabkani iska xuleen Gudi ay u igmadeen inay wada-hadalo la furan Xisbiyada qaranka kaas oo ay indho indhaynayaan barta ay la tegi doonaan hankooda iyo Mustaqbalkooda Siyaasadeed ee danbe warar hoose oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in siyaasiyiintan is bahaystay ay ka soo dhex muuqan doonaan siyaasiyiin kale oo Magac iyo miisaan culus ku dhex leh bulshada Somaliland kuwaas oo dibad meer ka ahaa sannadadii u danbeeyey Siyaasadda dalka isla markaasna aan ka tirsanayn wax Xisbiya balse hadda la sheegay inay la mataanoobeen garabkii Is-bahaysiga kulmiye ka cadhooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here