Dawladda Kenya Oo Shaacisay Tirada Dhalinyarada Kenyan-ka Ah Ee Ku Biiray Al-shabaab.

0
404

Ku dhawaad 1,500 oo dhalinyaro Kenyan ah ayaa la sheegay iney qorteen Alshabaab kuwaasi oo badankood tababar lagu siiyay gudaha dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowlada Kenya.

 

Sida dowlada Kenya ay sheegtay dhalinyarada ugu badan ee Kenyan-ka ah kuna biiray Alshabaab ayaa ka tagay magaalooyinka Kwale, Mombasa, Kilif iyo gobolka Lamu iyo qeybo kale oo dalka Kenya kamid ah.

Xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha Kenya Karanja Kibicho ayaa hadalkaasi ka jeediyay goob lagu soo bandhigayay 19 dhalinyaro hore Alshabaab kaga mid ahaa kuwaasi oo dib dalkooda ugu laabtay.

Inkastoo xoghayaha uu sheegay in 1,500 oo dhalinyaro Kenyan ku biireen Al-shabaab ayaa hadana uusan kala cadeynin tirada dumarka iyo raga  ay kala yihiin.

Inta badan dhalinyarada ayaa la sheegay in Alshabaab ugu sahlanaatay iney kaga biiraan dhanka internet-ka, maadaama inta badan ay dhageystaan cajalado ka hadlaya jihaadka.

Sanadkii lasoo dhaafay dhalinyarada Kenyan-ka ah ee ku biiray Alshabaab ayaa gaarayay 1000 ruux, laakiin waxay u muuqataa in sanadkaan ay ka bateen oo ay gaarayaan 1500 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here