Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey Oo Gaadhay Dalka Burundi.

0
380

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa gaaray magaalada Bujumbura ee Caasimada Burundi, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

 

Ban Ki-Moon ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Burundi Gaston Sindimwo, waxaana uu dadaal ugu jiraa sidii loo xalin lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira.

Qalalaasaha ka jiray Burundi tan iyo bishii April ee sanadkii hore markii Madaxweyne Nkurunziza ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isu soo taagayo xilka Madaxtinimada waxaa rabshado ka dhacayay dalkaas ku dhintay boqolaal ruux.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Burundi Peirre Nkurunziza, isagoo kala hadli doona sidii qalaalasaha dalkaas ka taagan loo soo afjari lahaa.

Mr Ban ayaa ku cadaadin doona dowladda iyo Mucaaradka inay tagaan Caruusha, si loo sii wado dadaalada nabadeed ee lagu soo afjarayo qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira mudada sanadka ku dhow.

Sidoo kale maalinta khamiista ee soo socota ayaa lagu wadaa in Burundi ay tagaan Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma iyo Hogaamiyeyaal Afrikaan ah, si ay dadaal ugu galaan xal u helida mushkilada siyaasadeed ee dalkaas ka taagan.

Illaa Nus milyan ruux ayaa ku barakacay rabshadaha ka taagan dalka Burundi, waxaana xiisada ka taagan Burundi ay salka ku heysa qowmiyadaha Tutsi iyo Hutu oo horay dagaal dad badan ku dhinteen dhex maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here