Gabadh U Dhalatay Dalka Ingiriiska Oo Geeriyootay 10-Sacadood Kadib Markay Qaadatay Diinta Islaamka.

0
450

Haweenay u dhalatay dalka  Ingiriiska, ayaa markii ay diinta islaamka qaadashadeeda ka soo wareegeen 10 saacadood oo keliya geeriyootay, iyadoo aaskeeda ay ka qaybgaleen 700 qof oo ku tukaday salaasadda jinaasadda.

 

Haweenaydan muslinimada ku dhimatay, ayaa laba wiil oo ay dhashay qudhoodu diinta islaamka qaatay, waxana jinaasadda hooyadaas buux dhaafiyey dad bulshada islaamka ah, maadaama qoyskeeda aanay muslimiim ku jirin.

“Jinaasadda hooyaday waxa aaskeedu dhacay 19 February, 11 am (subaxnimo) oo lagu aasay goobta la yidhaa 57 Elbridge road Hainault, ilford IG63SW. Goobtaas waxa kaloo lagu tukaday salaaddii Jimcaha.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal ay soo saareen laba wiil oo gabadha geeriyootay dhashay, iyagoo xusay in hooyadood muslim ahayd 10 saacadood oo qudha markii naftu ka baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here