Turkiga Oo Dalkiisa Ku Qabtay Shir Lagu Magacaabay “Xalka Soomaaliya” Oo La Mid Ah Kuwii Hore Jamhuuriyadda Somaliland Inay Qayb Ka Tahay Lagu Sheegan Jiray Guuldaradana Ku Dhammaan Jiray

0
526

Dawladda Turkiga ayaa shir ay ku casuumeen in ka badan 50-dawladood oo lagu Magacaabay “Xal U Helida Soomaaliya” ka furay Magaalada Istanbul. Shirkan waxaa ka soo qayb galay Madaxda dawlad Goboleedyada Soomaaliya iyo Dawladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud oo iyadu wali sheeganaysa inay ka masuul yihiin Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkaas Waxaa si rasmiya u furay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
Shirkan oo hal ku dhigiisu ahaa Madasha 6aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxaa kamid ah qodobada anjadaha u ah, arrimaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya. Xubnaha Shirka loo qabtay waxaa kamid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaarihiisa, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Madax ka socotay Maamul goboleedyada qaar, Xildhibaano iyo ergooyin ka socday Beesha Caalamka iyo hay’addo Caalamiya, kuwas oo gaadhaayay 50 dal .
Waxyaabaha muhiimka ah ee shirkaas lagu soo qaadi doono ayaa lagu sheegay inay kamid yihiin, doorashooyinka sanadkan ka dhacaaya dalkaasi Soomaaliya ee ay jaarka yihiin Waddanka Jamhuuriyadda Somaliland, doorashooyinkaas oo Baarlamaan cusub iyo Madaxweyne cusub lagu soo dooran doono.
Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan oo ka hadlaayay furitaankii shirka ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inya door muuqda ka ciyaaraan taageerida Soomaaliya.
Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah waxaa la sheegay in laga soo saari doono go’aamo la xidhiidha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Balse lama shaacin nooca go’aamadaasi noqon doonaan. Geesta kale marka la eego noociyada shirkan loo soo agaasimay iyo duruufaha beenta iyo khayaaliga ku dhisan ee ku geedaaman, oo ay ugu horeyso sheegashada Jamhuuriyadda Somaliland oo hore iyadu xorriyadeedi uga soo ceshatay Soomaalida kulanka hadda loo qabtay, wuxuu shirku shabahayaa kuwii ka horeeyay ee dhammaantod ay ku guul daraysteen dawladaha beesha Caalamka isku sheega.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here