Abwaan Hadraawi Oo Ka Hadlay Dadka Abaaruhu Saameeyaan Iyo Ficilkooda Danbe Marka Alle Raxmadiisa Ugu Deeqo, Kana Waramay Waxaa Keenay Dhibaatooyinka Nololeed & Duruufaha Qalafsan Ee Bulshada Haysta.

0
597

Hargeysa (Qoryaalenews)-Abwaanka caanka ah ee sida weyn looga qadariyo dhulka ay degaan dadka Af-soomaaliga ku hadlaa, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka iyo duruufaha qalafsan ee haysta dadka, kuwaas oo ay kamid yihiin Abaaraha xoogan ee hadda jira, iyo xaaladaha nololeed ee dhinac kasta kaga soo faydmay ummadda. Abwaan Hadraawi wuxuu sidaa ka sheegay maruu sharxaayay Maansadiisa DABAHUWAN. Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in qof kastaa Subixii la soo kala haayo Xumaan, hadana nasiib darro wuxuu doonaayo oo dhami yihiin wax wanaagsan iyo inuu noqdo shakhsi wanaagsan oo hela wax wanaagsan. Haday Roob tahay, haday barwaaqo tahay haday dawlad wanaagsan tahay, haday caafimaad tahay. Wuxuuna tilmaamay Abwaanku in Wanaagaas oo la helaa ka horeyso inuu qofku Xumaanta uu wax xumaynaayo isagu iska bilaabo si uu markaas wanaaga u gaadho. Abwaanka oo arrimahaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.

“Xumaan Nin Ku Daalaya Wanaag Damacii Hayaa”.. Aroortiina xumaanbu la kalahayaa oo maalin oo dhan Xumaanbu ku jiraa, hadana wanaagbu doonaya. In la caayo ma ogola, in la xanto ma ogola, in runta loo sheego ma ogola, in la xidho ma ogola, in laga aamuso oo isha lagu gubo ma ogola bal hadda adigu markaa ka waran”
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka hadlaaya Abaaraha daran ee ku habsaday bulshada, isagoo ku tilmaamay inay dadku sababteeda leeyihiin, maadaama oo marka ay baahanyihiin oo kaliya alle xasuusanayaan, halkay Shukrigii ku waajibay si badheedha u dacal maraan marka dhibicda ugu horeysay ee Roobkii ay u baahnaayeen alle u shubo. Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame oo arrintaas sharxaaya dadkana xasuusinaaya wuxuu yidhi. “Alla Markaynu baahanahay Kun Bayd oo aad Gabay moodo ayaynu is daba dhigaynaa xidhiidhka iyo quruxda, mar allaale marka uu Roobku daato ee aad hesho wixii aad doonasay ayaad odhanaysaa ka bul-dheh. Afar Bayt oo mahadnaq ah Qof isku toosin karaa wallaanu u jirin, Kun Bayt oo baryo ah ayaynu naqaana taasi ma dadnimaa. Waa Sakaaradii la yidhi habeenkii waxay tidhaahda illahayow Magantaaban ahay, Subixiina waxay tidhaahdaa Illahayow Magantaadi ka baxay.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here