Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka Ee FIFA Oo Doortay Madaxweyne Cusub Gianni Infantino Iyo Natiijada SidiI Murrashaxiintu U Kala Codbateen.

0
902

(QYN-Zurich)-Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa Gianni Infantino u doortay madax waynaha cusub ee FIFA ee xilka ka badali doona madax waynihii la ganaaxay ee Sepp Blatter. Xoghayihii hore ee UEFA ee Gianni Infantino ayaa codbixintii wareega labaad ee xubnaha FIFA ku garaacay Sheikh Salman oo kaalinta labaad galay isla markaana ay wareegii hore laba cod is dheeraayeen.

Gianni-Infantino-620×416
Wareegii hore ee codbixinta ayuu Gianni Infantino ka helay 88 cod halka uu Sheikh Salman kaalinta labaad ugu jiray 85 cod laakiin wareega labaad ee codbixinta ayuu Gianni Infantino helay cod aad uga badan inta uu Salman helay, wuxuuna ku guulaystay in uu noqodo ninkii badali lahaa Sepp Ballater oo muddo dheer ka soo shaqeeyay FIFA.inf
Sidii ay codka musharixiintu u kala heleen wareegii labaad:

Gianni Infantino – 115 cod
Sheikh Salman – 88 cod
Prince Ali al-Hussein – 4 cod
Jerome Champagne – 0FIFA

Gianni Infantino ayaa wareega labaaad ka helay 115 cod halka uu wareegii hore ka haystay 88 cod, laakiin Sheik Salman oo wareegii hore haystay 85 cod ayay wareega labaad u soo kordheen 3 cod oo kaliya halka Prince Ali oo 27 cod wareegii hore helay uu waayay 23 cod oo wareegii hore codkooda siiyay wuxuuna wareega labaad helay 4 cod oo kaliya halka Joreme Campagne aanu wareega labaad wax cod ah helin laakiin wareegii hore ka haystay 7 cod oo kaliya.fifa
Gianni Infantino ayaa markii la doortay dareenkiisa hadlay wuxuuna yidhi: “Anigu waqti xaadirkan ma qeexi karo dareenkayga, waxaan idiin sheegay in aan soo maray safar aan caadi ahayn kaas oo aniga iga dhigay in aan la kulmo dad badan oo fantastik ah kuwaas oo ku nool kuna neefsada kubbada cagta, waxayna dad badani u qalmaan in ay arkaan FIFA oo si sare loo ixtiraamayo. Qof kasta oo aduunka joogaa waa in uu inaga sacabka inoo garaaco waxa aan qaban doono, qof kastaaba waa in uu u hanwaynaado waxaan qaban doono”.Gianni Infantino
Madax waynaha cusub ee FIFA ee Gianni Infantino oo ka hadlaya isbadalka laga doonayo FIFA ayaa yidhi: “waxaan u baahanahay in aan fulino dib uhabaynta, laakiin waxaan sidoo kale u baabahanay ixtiraam, ixtiraam uu aduunka oodhami ku leeyahay kubbada cagta, waxa kale oo aan hubinaynaa in ugu danbayn markale aan diirada saarno aduunyadan layaabka leh ee kubbada cagta, aan dhamaanteen tan kawad shaqayno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here