Mulkiilaha Facebooka Oo Loo Sameeyay Ilaalo Gaar Ah Ka Dib Hanjabaad Uga Timi Kooxda DAACISH.

0
563

Wal-wal aad u xoogan ayaa soo wajahay Aasaasaha Bogga caanka ah ee Facebook Mark Zuckerberg, kadib markii ay hanjabaad culus uga timid kooxda Daacish.

b
Mark Zuckerberg, ayaa lagu arkay wadooyinka magaalada Berlin ee dalka Jarmalka isagoo si xoog leh loo ilaalinayo kadib markii toddobaadkan ay u hanjabeen ururka IS.
Zuckerberg ayaa isagoo rucleynaya waxaa dhinacyada ka cararayay ciidamo ilaalo u ah wadooyinka Berlin iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay ee la arko isagoo la ilaalinayo bilyaneerkan oo booqasho labo cisho ah ku tegey dalka Jarmalka.
Cajalad muuqaal ah oo ay soo saareen taageerayaasha IS oo cinwaan loogaga dhigay Holicii Taagerayaasha ayaa loogu hanjabay aasaasayaasha bogaga bulshada ee Twitter Jack Dorsey iyo Facebook Zuckerberg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here