Dadka Reer Sool Ma Somalilanderbaa Mise Waa Soomaaliya Waa Qalinkii Weriye Xabiib Cige Xasan

0
692

1. Dadka ku nool Laascaanood Dalkee Aaminsan Yihiin Inay Ka Mid Yihiin?

2.Dawladaha Putlland, Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo Kee Ayidsanyihiin?

3.Deegaanka Iyo Dhulka Laascaanood Dawladee Iska Leh Inay Maamusho?

4.Sideebay Dadka Laascanood Ku Nooli U Arkaan Dawlada Somaliland ee Hadeer Gacanta Ku Haysa?

5.Ugu Danbayntii Sidee Bay Dadkan Iyo Dhulkani Uhelayaan Dawlad Wada Maamusha Oo Ay Ku Kalsoonyihiin?

Marka ugu horeysa waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dadka islaamka ah gaar ahaana intii afka soomaaliga ku hadasha ee maqaalkan daalacatay, intaa kadib ma jecli inaan markasta qoraalka qalinka uqaato mana ihi dadka marwalba qalinka uqaata waxkasta ee markasta ka qalinkoodu ka dhexmuuqdo meelkasta oo xaaladi ka jirto, laakiin anigu waxaan qalinka uqaataa waxaan ka firsan waayo, sidoo kalena xaqiiqooyinka dahsoon, waxaan todabaadkan qalinka uqaatay Cinwaanka Kor Ku Xusan inagoo ka jawaabayna su,aalaha Kor Ku Xusan.

Waxaan hadeer diirada saarayaa Dadka ku nool Gobolka Sool gaar ahaan dadka ku dhaqan magaalo madaxda Gobolkaas ee Laascaanood oo ah runtii magaalo dadkeeda iyo dawladeedu isla socon, isku fikirna aanay ahayn, ujeedaduna ay tahay inaad markasta xaqiiqada ku dhawaato,

Waxa ku jiri kara bulshada dad tiro yar oo dan gaara ku leh dawlada ama dangaara u taageera hadba dawladii jirta iyadoo dawladuna dhinaceeda ku fushanaysa danta ay ka leedahay dadkaasi, Hadaba marka laga reebo dadkaasi danta gaara leh(2% udhigma) dhamaanba dadweynaha ku dhaqan magaalada laascaanood (98%) marka aad wareysato ee idhexgashaan waa dad ayidsan Dawlada Soomaaliya waana dad niyada iyo qalbigaba kaga midaysan inay kamid yihiin dalka soomaaliya caruur iyo ciroolaba aaminsan inay yihiin Dad leh Dal kaliya oo leh Calanka Buluuga ah, dareenka dadka kadib waxa ka taliya deegaankaasi hadeer Dawlad dhinaceeda raacaysa hab sharciya oo ah sharcigan ay ku dhaqmaan dawladaha ka jira Africa ee uu inooga tageen dawladihii guumaysan jiray Africa oo ah xuduudaha ay kukala qaybsamaan dawladaha Africa ka jiraa.

Hadaba dhulka iyo deegaanka Gobolka Sool iyo gobolada kale ee Somaliland waxaa ay kamid yihiin dhulkii uu ingiriisku haysan jiray ee uu ictiraafkii ugu horeeyay ee soomaalina uu siiyay, taas weeye sharciga ay Somaliland ku doodayso inay leedahay dhulbalaadhan oo kuyaala deegaanadaasi, waxayna taasi ka dhigan tahay sida dawlada itoobiya u maamusho ama u haysato dhul badan oo dadka reer Somaliland ahi ay degaan balse ay dawlada itoobiya Tirsato oo xuduudkeeda kamida,

Hadaba Dareenka dadka shacabka eek u dhaqan magaalada laascaanood iyo nawaaxigeedu wuu ka duwan yahay taasi waxaana ay u arkaan hadeer Dawlada Somaliland ee ka talisa deegaamadaasi, sidii ay dadka ku nool burco, berbera iyo hargeisa u arki jireen xiligii lala dagaalamayay dawladii siyaad barre ee markaas haysatay oo ay u arkayeen (Dawlad Soomaaliyeed oo Gumaysanaysa), waxa kaliya oo ay dawlada Somaliland kaga duwan tahay dadka ku nool magaalada laascaanood arimahooda waa u xor, qofkastaana si xora ayuu unool yahay, dagaal majiro, kacaana ma jiro, dadka magaaladuna xiliga ay doonaan ay seexdaan soo toosaan, kaliya dareenkoodu waxa uu ku xidhan yahay inaysan Dawladan jirta kamid ahayn,

Wiil Aan Waraystay Oo kamida dadka ku dhashay, kusoo koray kuna waynaaday laascaanood wuxuu igu yidhi (Dadka Reer Somaliland Waxay Ku Ducaystaa Mar Kasta Oo Ay Tukanayaan In Illaahay Ictiraaf Siiyo, Anaguna Waxaan Ku Ducaysanayaa In Illaahay Somaliland Naga Saaro),

Waxaan dareemaysaa waxa dadkaas qalbiyadooda ku jira iyo waxa dhabta ah ee ay doonayaan dadkani, waxa intaasi sii raaca hadii aad suuqa dhex marto waxa indhahaagu qabanayaan meherado badan oo wadaaga magaca (Soomaaliwayn La Baxay) Sida Somaliwayn spare Parts, Cawro Soomaaliwayn, Soomaaliya Farmasi iyo kuwo kale oo badan oo magacyadaasu ka dhexeeyaan, markaasna waxaad niyadaada gelinaysaa in dawlada Somaliland ee halkaasi ka jrtaa aanay cadaadis iyo guumaysi midna ku hayn dadkaasi oo ay xor uyihiin ganacsigooda, waxa kale oo aad laascaanood gudaheeda ku arkaysaa Baabuurta dhex maraysa oo taarikada Soomaaliya ku xidhan tahay qaar badan, sidoo kalena lacagta la isticmaalo ayaa ah Shilnka Somaliya, waxaad arkaysaa waxyaabo badan oo laga istcimaalin deegaamo badan oo dawlada Somaliland ka taliso balse si caadiya looga isticmaalo Laascaanood markaasna aad dareemayso inaad mararka qaar dhex joogto Gudaha Dalka Somaliya oo aad calanka somaliya ku arkayso xaafado kamid laascaanood oo uu ku sawiran yahay gidaarada.

Hadaba marka laga yimaado dawlada Somaliland ee hadeer gacanta ku haysa deegaanadaasi waxa jira Maamulada Putlland Iyo Khaatumo oo iyana sheeganaya inay ka talinayaan Laascaanood, runtiina hadii aan xaqiiqada ku sii dhawaana dadka ku nool gudaha laascaanood ma rabaan Maamulka Dawlada Putlland sababo amaan dartii, hadii aad dadka su,aalo putlland ku saabsan waydiiso waxay kaaga dareen celinayaan in waqtiyadii ay putlland ka talin jirtay laascaanood uu amaankeedu xumaa, dadkana lagu laynjiray, balse hadeer ay nabad buuxda haystaan,

Ma jecli inaan hoos ugu sii daadago maamulada iyo dawladaha kala duwan ee gobolka Sool sheegta Waxaan kaga baxayaa kaliya laba su,aalood in qof kastaaba iswaydiiyo, isuna jawaabo marka uu fahmo sawirka aan ka bixiyay dadka laascaanood iyo deegaanada Gobolka Sool, waxayna kala yihiin labaad su,aalood.

1. Sidee Ayay Somaliland ku Hanan kartaa qalbiyada dadka reer laascaanood, si ay umaamusho deegaanada ay sheeganayso inay leedahay, sida ay dawlada itoobiya ba ay umaamusho deegaanada ay ku nool yihiin dadka kasoo jeeda Somaliland ee xuduuda dhaafsiisan?

2.Haday awoodi waydo inay hanato qalbiyada dadka reer laascaanod, Somaliland Ictiraaf Ma Siisan KartaaLaascaanood Oo Ay Ka Baxdo? Si Dalka intiisa Kale ictiraaf Buuxa Uhelo.?

Qalinka: Xabiib Cigge Xasan

Xabiibcige02@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here