Waxaan Xildhibaan Bidhi Ku Bogaadinayaa Siduu Mar Walba Ugu Adeegayo Bulshadii Soo Dooratay

0
574

xildhiban-mubaarik xildhibaan bidhiWaxaan jeclaystay inaan xuso mid ka mid ah siyaasiyiinta waxqabadka muujiyay ee dareensan waajibka iyo xilka uu u qaaday ummadda intii dooratay. Qofka aan ka hadlayaa waa Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah xildhibaanadda Golaha deegaanka Burco. Anigu isku beel ma nihin, isla markaana Gobol kama soo wada jeedno, hase yeeshee waxa aan warbaahinta ka arkaa isagoo mar walba ku gudo jiraa dedaal uu ummaddii soo dooratay ugu khidmaynayo.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ka mid ahaa dhalinyarradii ururkii SNM, waxa uu ka mid yahay dadka ka shaqeeya adeegyadda bulshadda isla markaana xoog iyo xoolaba ku bixiya taabo-gelinta adeegyadda ijtimaaciga ah.

Xildhibaanku waxa uu inta aan ogahay gacan ka geystaa xarumaha waxbarashadda dhegooleyaasha, dugsiyadda hoose ee Gobolka Togdheer, horumarinta ciyaaraha.

Waxa kale oo uu ka mid yahay waxgaradka mar walba kaalin horseednimo ah ka qaata duruufaha ka jira dalka. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxa Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) uu ka hawlgalay oo uu ka mid ahaa dadkii isku xil qaamay gurmadka abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

Waxa kale oo uu ka mid yahay dadka ku xidhan kuna xisaabtama dareenka iyo duruufta haysata dadkii soo doortay oo uu waajibkii ay ka filayeen isku dayo inuu wax dib ugu celiyo. Haddaba waxaan qof kasta oo ummadi dooratay aan ku dhiirigelinaynayaa inuu xilka mudada uu hayo ka tago magac isla markaana u adeego oo uu dhex joogo mar walba dadkii soo doortay.

Sidaas darteed, waxaan golaha deegaanka iyo maamulka gobolka Togdheerba u soo jeedinayaa inay Xildhibaan Mubaarig Bidhi shahaado sharaf ku maamuusaan.

Khadar Axmed Nadiif

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here