Midawga Afrika Oo Canbareeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Baydhabo.

0
690

(QYN-Muqdisho)Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howl galka AMISOM Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa si xoogan u cambaareeyay qaraxyadii shalay Al-Shabaab la beegsadeen magaalada Baydhabo, kaasoo ay ku dhinteen dad u badnaa rayid.

mb. Madeira ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, isagoo ku sifeeyay inuu ahaa weerar naxariis daro ah oo ay geysteen shaqsiyaad aan wax qiimo ah ugu fadhin nolosha.

“Waxaa aad uga xunahay khasaaraha ka dhashay weerarkaas argagixiso ee ay ku dhinteen dadka rayidka ah ee waan waxba galabsan, waa kooxo bilaa naxariis ah oo aan wax qiimo ah ugu fadhin nolosha”ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira.
Waxaa uu sheegay inay si dhow ula shaqeyneso Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Hey’adaha kale, si looga takhaluso kooxaha argagixisada. In ka badan 20-ruux ayaa ku geeriyooday qaraxyo is xigay oo shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Baydhabo, halka sodomeeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Source

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here