“Ma Waxaad U Soo Halganteen Inaad Qabiilo Isu Kala Saartaan Oo Dhulka Isku Qabsataan, Cid Dalkeena U Maqani Ma Jirto Innagaa Masuuliyadu Ina Saarantahay…”Wasiirka Duulista Hawada JSL.

0
560

Intaas Oo Caruur iyo Wayeelba Leh Ayaa U Soo Dhintay Dalkan, Innagaa Laynaga Rabaa Inaynu Samayno Meeshi Jiilkeena Danbe Odhan La Haayeen Waa Dalkaygii Waa Gurigaygii” Wasiirka Duulista Hawada Somaliland
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare) ayaa khudbad aad u qiiro galisay dadkii dhagaysanaayay kuna dheehantahay Muwadinimadiisa uu aaminsanyahay wuxuu ka jeediyay xaflad uu ku wareejinaayay xilka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo ka qabsoontay Magaalada Hargaysa.
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duliista Hawada Cumar Sheekh MAxamed Faarax wuxuu ummadda Somaliland waydiiyay u jeedada ka danbaysay halgankii losoo galay la soo noqoshadii xorriyada Somaliland, isagoo wakhtigaas ka tirsanaa Sarakiishii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, kana mid ahaa xubnaha faro ku tiriska ah ee ay ka mahad sheegtaan dadkii uu ka badbaadin jiray Ciidamadii Milatariga Maxamed Siyaad Barre oo tacdi xoogan ku hayay waagaas Shacbiga rer Somaliland.
“Ma waxaad u soo halganteen inaad qabiilo isu kala saartaan oo dhulka isku qabsataan, intaas oo caruur iyo wayeel leh ayaa dalkan u soo dhintay. Maanta inaynu is kala saarno oo is kala qaybino oo gudaheena ku mashquulo looma soo Halgamayn. “ Sidaa waxaa yidhi Wasiir Cumar Yare. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi.

“Waar Dalkeena cidi uma maqna, Gaal cad oo aynu wax ka sugaynaana ma jiree, inteena joogta maanta waa inta laga rabo ee wajibka la saaray inay dalkooda wax u qabtaan inay ubadkooda taariikh uga tagaan, inay sameeyaan meel ay Caruurteenu yidhahdaan waa Gurigaygii waa Dalkaygii. Maanta haddii adduunka dhibaato ka dhacdo oo Dekedaa yari inaga xidhto waxaynu kayd haysanaa waa Neefkaa Xoolaha ah, waligeedna sida ayay ahayd. Markaa inaynu ka fekerno oo ka baxno biyo la’aanta oo barwaaqayno innaga ayay ina saarantahay. Sidaa waxaa yidhi Wasiirka Duulista Hawada Cumar Sheekh Maxamed Faarax.
Geesta kale Wasiirka cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdilalahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa tilmaamay in Cumar Sheekh Maxamed Faarax Wasiirka uu xilka kala wareegay yahay Shakhsi tariikh fiican leh. “Cumar Sheekh Maxamed Faarax waa Nin tariikhdiisu wacantahay waa Nin taariikh macno samaynaysa soo lahaa, maanta iyo iyo shalay labada goorba.” Sidaa waxaa isna yidhi Wasiir CUKUSE oo ka hadlaayay tariikhda Cumar Sheekh Maxamed Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here