Siyaasiyiinta Miisaanka Leh Ee Isbaahaysiga KULMIYE Oo Shaaciyay Wadahadalo U Furmay Iyaga Iyo Xisbiga WADDANI.

0
754

Siyaasiyiinta Miisaanka Leh Ee Isbaahaysiga KULMIYE Oo Shaaciyay Wadahadalo U Furmay Iyaga Iyo Xisbiga WADDANI.
“Guddoomiyaha WADDANI Iyo Ragiisa Wadahadalo Ayaanu U Ballanay, Guddina Waanu U Saarnay, Kulankuna Wuxuu Qabsoomi Doonaa…” Afhayeenka Isbahaysiga Dimquraadi Doonka Ah ee KULMIYE
Afhayeenka garabka isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee xisbiga KULMIYE Xuseen Axmed Caydiid ayaa markii ugu horaysay cadeeyey inay wadahadalo dhakhso ah la furayaan guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo xubnaha kale ee xisbigaas, waxaana uu sidaasi ku sheegay shir jaraaid oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa.

download (1)
Afhayeenka garabka Isbahaysiga Xuseen Axmed Caydiid ayaa sidoo kale sheegay in wadahadaladaasi u furmi doonaan sida ugu dhakhsaha badan waxa hadhsana ay tahay goobtii iyo goortii ballanta, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Guddi bay u saareen garabka isbahaysigu in wadahadalo ay la furan cidii ay dantooda ka dhex arkaan, waxaanan idinku wargalinaynaa oo umaddana aan u sheegaynaa in aanu wadahadalo toosana aan hadda la furi doono xaga xisbiga WADDANI oo labada xisbi ee Ucid Iyo Wadaniba aan wada hadalada la bilaabayno, waxaanan idin sheegnaa inaan balan qabsanayno gudoomiyaha xisbiga Wadani iyo xubnaha wadaniba oo aan iskugu nimaadno kanawada hadalno, balankaasi maanta ama bari ayuunbuu mid ahaan qabsoomayaa marka laysla qaato xagii uu ku qabsoomi lahaa ee uu ka dhici lahaa kulankaasi”
Xuseen Axmed Caydiid oo hore u ahaa wasiirkii cadaaladda ayaa geesta kale sheegay inaanay jirin sabab ay ugu laabtaan xisbigii ay mudada badan ka soo tirsanaayeen ee KULMIYE maadaama hogaanka iminka ee xisbigu u jabiyey shuruucdii xisbiga waa sida uu hadalka uu dhigaye, waxaana uu yidhi:
“Waad la socotaan mabaadi’dii iyo waxyaalihii aan isku qabanay xisbigii aan ka tirsanayn ee kulmiye, mabaadii’dii xisbiga kulmiye ee wada tashiga ahaa iyo ku dhaqankii xeerarka ayaa ay kuwa hada ku hadhay khilaafeen oo ay jabiyeen, markaa kol hadii tiirarkii xisbiguba ku dhisnaa ay burbureen oo hay’adihii kala duwanaa ee hogaanka xisbiga lahaa, ee gudida fulinta lahaa ee golaha dhexe lahaa ay fadhiyadiisii gabeen maaha inaad kasii tirsanaato. Markaa hadana waxaan hubinaynaa in xisbiyadani ay leeyihiin mabaadi’dii lagula shaqayn lahaa oo aanu xisbigu noqon mid qof leeyahay oo aan ahayn magac kaliya, wxaaan eegaynaa go’aamada xisbiyadu leeyihiin markaas aan garano ayuunbaan mid ahaan ku biiraynaa hadaanu nahay garabka isbahaysiga” ayuu yidhi afhayeenku.
Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo beegmay wakhti ay hadal haynta isbahaysigu aad u badatay iyadoo la sheegayo inay qaarkood ku noqdeen xisbiga KULMIYE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here