War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Hadda Ka Hadlay Dilka Toogasho Ee Taliyihii Ciidanka Booliska Saaxil

0
719

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Hadda Ka Hadlay Dilka Toogasho Ee Taliyihii Ciidanka Booliska Saaxil + Muxuu Kaga Jawaabay Madaxweynuhu Dhacdadan 01/03/2016 TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa ciidamada booliska, iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ahaa Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, oo maanta gacan ka xaqdarani ay ku dishay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil.  Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku.  Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu waajib qaran gudanayey, isaga iyo ciidankii la socdayba, markii lagu dhagaroobay, waxaanu madaxweynuhu amar ku bixiyey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay galaana lagaga dabatago, sida ugu degdega badana sharciga loo horkeeno.  Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.  IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN  Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)   Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here