Isu Socodka Gaadiidka Ee Magaalooyinka Berbera Iyo Burco Oo Hakad Ku Yimi Wixii aka Danbeeyay Dilkii Taliyaha Iyo Ciidamo Dawladdu Ku Saartay Maleeshiyadii Dilka Geysatay

0
739

Gadiidka isaga kala gooshijiray Magaalooyinka Berbera iyo Burco ayaa la soo sheegaya in hakad ku yimi tan iyo wixii ka danbeeyay Dilkii Taliyaha Ciidamada Booliska Qaybta Gobolka Saaxil, Gaashaale Cabdirisaaq Yuusuf Casayr   Dhinaca kale Ciidamado tiro badan ayaa caawa lagu daadiyay guud ahaan magaalo xeebeedka Gobolka Saaxil ee Berbera, waxaana ku sugan Magaalada Taliyaha Ciidamadda Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdikaahi Fadal Iimaan.  Geesta kale wararka ka imanaaya Gobolka Saaxil ayaa sheegaaya in Dawladdu ku saartay maleeshiyadii Dilka Taliyaha Gaysatay, Ciidamo xoogan oo ka tirsan Milatariga Jamhuuriyadda Somaliland, ma jiro war rasmiya oo xaqiijinaaya tirada Ciidanka Qaranka ee loo diray Goobaha Buuraha ee ay kooxdaasi galeen, hasayeeshe ilaa hadda lama soo qaban, waxaana kacsan xaalada Magaalada Berbera iyadoo xamaasad ka dhalatay Dilka Taliyahana la dareemaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here