Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa canbareeyay Dilka Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil,

0
551

Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa canbareeyay Dilka Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil, oo ay dil toogasho ah ku dileen Maleeshiyo Beeleed ka soo jeeda Gobolka Saaxil   Sidaana waxaa lagu sheegay War-saxafadeed uu ku Saxeexanyahay Xoghayaha Guud ee KULMIYE Xasan Siciid, kaas oo u dhignaa sidan.  Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa falka xaq-darrada ah ee lagu dilay Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil Alle ha u naxariistee Marxuum Gaanshale Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo koox hubaysani ku toogatay deegaanka deegaanka Biyooley ee Gobolka Saaxil maanta (01/03/2016) waqti isaga iyo ciidammo uu hoggaaminayey shaqo qaran u socdeen.   Falkani waxa uu waxyeelo ku yahay nabadgalyada, dawladnimada iyo kala dambaynta sharciga ee dalka Somaliland. Sidaas darteed, waxa uu xisbiga KULMIYE ku talinayaa in gurmad degdeg ah laga galo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan-ku-dhiiglayaasha ka dambeeyey weerarkan foosha xun, si sharciga loo horkeeno ciddii gaysatay.  Ugu dambayntii, anigoo ku hadlaya afka Guddoomiyaha iyo hoggaanka KULMIYE iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ciidanka booliska iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo ay dishay gacan-ka-xaqdarani, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, qoyska iyo guud ahaan shacabkana samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…Aamiin….Aamiin.  Alla Mahad Leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here