Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa canbareeyay Dilka Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil,

0
561

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland kuwooda ugu magaca iyo muuqa dheer ayaa si adag uga hadlay dilka taliyihii Booliska Gobolka Saaxil Cabdirisaaq Casayr oo shalay duhurkii dablay hubaysani ay ku dishay weerar qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Biyoole ee Gobolka Saaxil halkaas oo ay ku sugnaayeen dablaydii hore u weerartay deegaanka Ceelgardi.

 

Boqor Cismaan Buurmadaw ayaa dilka Taliyaha ku eedeeyey maamulka gobolka Saaxil, Salaadiin iyo Madax-dhaqameed, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay maamulka gobolka Saaxil oo si toos dhacdadan loola xidhiidhiyey, waxaana uu boqorku yidhi: “Dhacdadan lagu dilay taliyihii qaybta Booliska Berbera maaha wax si yar oo fudud isaga dhacay waana arrin laga soo shaqeeyey oo lagu duminayo qaranimada Somaliland, waxaana cad inay ahayd mu’aamarad ay fuliyeen maamulka Gobolka Saaxil oo si farsamaysan loo hagaayay, mana ah dhacdooyinka iska soo daba dhacayay ee gobolka Saaxil mid laga indho qarsan karo ama laga dulqaadan karo tobankii dhacdo ee u dambeeyey’, waxaaa uu intaasi raaciyey Boqor Buurmadaw “Mar qudha may dhicin in xitaa raaligalin laga bixiyo ama ay muuqato in laga xun yahay. Hadaba waxaa cadaatay in dhacdooyinkan ay dhamaantood ku arooraan talo, waxaa kale oo muuqata in Xisbiyada Mucaaridka ahi ay ku faraxsan yihiin amaba ay qayb ka yihiin guubaabada iyo hurinta colaadda”

Geesta kale Boqorka ayaa sheegay inay talo midaysan oo deg deg ah beeshiisu ka qaadan doonto dhacdooyinkii u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Saaxil, waxaana uu ku hanjabay in cawaaqib xumada ka dhalata ay dusha u ridan doonaan kuwa jecel dagaalka sokeeyaha, waa sida uu boqorku hadalka u dhigaye “Waxaa kale oo jirta in qaybta ugu wayn ay ka qaateen Salaadiin iyo Madax-dhaqameed, sidaas awgeed dhamaan beelaha Habar Jeclo waxay qaadici doonaan diiwaangalinta doorashada gobolada Saaxil, Sanaag iyo Sool. Waxaan kale oo Madaxwaynaha u soo jeedin lahaa inuu iska casilo xilka uu umadda u hayo. Colaadda laga wado umadda walaalaha ahna cawaaqib xumada ka dhalataa waxay eersan doontaa cidda sharafta u taqaan dagaalka sokeeye. Talo iyo go’aamo deg-deg ah ayay beeshu ka qaadan doontaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here