Madaxwayne Siilaanyo Oo Amar Ku Bixiyey In Gacanta Lagu Soo Dhigo Ciddii Dishay Taliye Cabdirisaaq Casayr.

0
542

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto oo gacanta lagu soo dhigo maleeshiyo beeleedkii dilka ku dilay Taliyihii Ciidamada Qaybta Booliska Berbera   Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu waajib qaran gudanayey, isaga iyo ciidankii la socdayba, markii lagu dhagaroobay, waxaanu madaxweynuhu amar ku bixiyey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay galaana lagaga dabatago, sida ugu degdega badana sharciga loo horkeeno.   Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here