Dagaal Afka Ah Oo Ka Dhex Qarxay Dawladda Maraykanka Iyo Shirkadda Apple.

0
511

Dagaalka afka ah ee u dhexeeya dowladda Mareykanka iyo shirkadda Apple ayaa sii xoogeysanaaya.

apple_us_
Dagaalkaasi waxa uu ka dhashay shirkadda tiknolojiyada oo diiday inay sameyso barnaamij lagu furo telefoon iPhone ah oo uu isticmaali jiray mid kamid ah dadkii ka dambeeyay weerar dad lagu dilay bishii December.
Waaxda cadaaladda waxa ay dacwad u gudbisay maxkamad, waxayna ku doodayaan in ay u badan tahay in cadeyn weerarka ku saabsan la helo.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in go’aanka ay Apple ku dhegan tahay uu yahay “xumaynta” laamaha dhowra xuquuqda.
Shirkadda weyne ee tiknolojiyadda waxa ay tilmaamtay in arrintan ay u muuqato eedeyn.
Apple waxa ay sheegeysaa inay ka cabsi qabto in FBI-da ay arrinta u noqoto irid u furantay oo ay ku jabsan karaan dhammaan telefoonada iPhone-ka.
Kiiska waxaa maxkamadda ay ka doodi doontaa dhammaadka bishan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here