Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta Oo Go’aan Ka Soo Saaray Xayiraada Hubka Ee Soomaaliya.

0
414

Wasiirrada arimaha dibada Jaamacada Carabta ayaa waxa ay soo dhaweeyen dadaalada dowladda Soomaaliya ee dhinaca hormarka dalka dhinac amni,dhaqaale iyo mid siyaasadeed waxana ay aragti wanaagsan ku tilmaamen heshiiska lagu gaarayo doorashada 2016-ka ee Soomaaliya.

JaamacadaCarabta
Wasiiradda waxa ay fadhigoodi 145 ay isku raacen in la sii wado dadaalada lagu taagerayo dowladda Soomaaliya.
Golaha ayaa isku raacay in la fuliyo qaraarkii kasoo baxay fadhigii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay sanadkii tagay magaalada Sharma sheekh oo Soomaliya loogu taageeray 10-milion oo doolarka Mareykanka in bile loo siiyo mudo sanad ah si loo kaabo miisaaniyada xukuumada si ay cagahoodi isku taagaan hay’adaha dowladda,fulinta barnaamijyadeeda dhinaca amaan iyo mid xasilooni,la dagaalanka musuq maasuqa,colaada iyo arimo kale.
Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in in golaha amaanka QM ay qaadaan xayiraada dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya si ay ugu suurta gasho dhismaha ciidamada qaranka.
Ugu dambeentii warmurtiyeedka kasoo baxay fadhiga golaha wasiiradda arimaha dibadda Carabta ayaa waxa ay ku baaqen in laga cafiyo deemaha lagu leeyahay Soomaliya si ay u hesho taagerada caalamiga ah ee lasiinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here