Maxkamad Ku Taalla Itoobiya Oo Xukun Ku Riday 28 Qof Oo Lala Xidhiidhiyay Kooxaha Daacish Iyo Al-shabaab.

0
452

Maxkamad ku taala dalka Ethiopia ayaa xabsi gaaraya min 21 sano oo xarig ah u riday dhalinyaro la sheegay inay doonayeen inay ku biiraan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

maxkamad
Eedeysanayaasha oo gaarayay 28 ruux ayaa la sheegay inay tababar qaateen sanadkii 2003 ayna ku biireen Shabaab saddex sano kadib markii tababarka ay qaateen, sida maxkamada ay sheegtay.
Dhalinyaradaasi ayaa la sheegay in lagu helay cadeymo muujinaya inay yimaadeen Somaliya ayna ka qeyb qaateen weeraro lagu qaaday xarumaha ciidamada Amisom ee Somaliya.
Qaarkood ayaa ku eedeysnaa inay wax ka abaabuleen weerarkii sanadkii 2011 ka dhacay dalka Ethiopia, sida maxkamada ay ka dhawaajisay.
Maxkamada ayaa sidoo tilmaamtay iney socdaan baaritaanada rag kale oo lala xiriirinayo iney Al-shabaab ka tirsanaayeen.
Aman Assefa oo maxkamada ku sheegtay inuu ahaa hogaamiyaha Alshabaab ee dalka Ethiopia ayaa sidoo kale maxkamad lasoo taagay.
Ethiopia ayaa kamid ah dalal ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la dagaalama Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here