War Deg Deg Ah:Asrkari Tacshiirada Ku Furay Goob Ay Diiwaangelin Ka Socotey Oo Ku Taal Badhtamaha Suuqa Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
404

Burco tttt (Qoryaalenews)-Warar hadda naga soo gaadhay magaalada Berbera ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada Bileyska magaalaada Berbera uu galabta makhribkii tacshiiraad rasaas ah ku furay goob ay ka socotey diiwaangelinta codbixiyaasha,taas oo ay safaf dhaadheer ku jireen xiligaas dad doonayey in is diiwaangelinayaan,waxaana la sheegey in uu khasaareka dhashay raasaastta uu furay askaarigaasi.

Goobtan ay ka socotey diiwaangelinta codbixiyayaashu oo ku taala badhtamaha magaalada Berbera,taas oo lagu magacaabo “Santarka Barwaaqo” ayaa la sheegay in ay tacshirada uu askarigu ku furayay dadkaa is diiwaangelinay u dhaawac kala duwan ka soo gaadhay saddex qof,kuwaas oo hadda lagu daaweynayo Cisbbitaalka guud ee magaalada Berbera,halka askarii falkaasi geystayna gacanta lagu dhigay,isla markaana lagu xidhay xabsiga dhexe ee magaalada Berbera.

Dhanka kalena ilaa hadda si dhab ah looma ogay sabbabta dhabta ah ee ka dambaysay inuu askarikaasu tacshiirada uu huwiyo dadkaa ku sugnaa goobta ay ka socotey is diiwaangelintu, iyo wax ku kelifay falkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here