Horumarka Wakaalada Biyaha Burco Oo Wax Qabadkeedu Noqday Dayax Shan Iyo Tobana Iyo Wax Qabadka Dhamaystiran Oo Ay U Muujiyeen Shacabka Reer Burco

0
645

Horumarka Wakaalada Biyaha Burco Oo Wax Qabadkeedu Noqday Dayax Shan Iyo Tobana Iyo Wax Qabadka Dhamaystiran Oo Ay U Muujiyeen Shacabka Reer Burco marka uu horumar ka tisqaado ama ku soo kordho dalkeena waxaa caado inoo ahayd, in aynu ilaahay ugu mahadnaqno, dadkeenuna guntiga dhiisha isaga dhigi lahaayeen in ay kor u sii qaadan horumarka ay ku talaabsadeen, isla markaana dhiiri geliyaan oo maamuusaan masuuliyiinta xilalka u haysa, ee ugu heelan sida hagar la,aanta ah  balse waa iga su,aale dadka dafiraaya wax qabadka ay ku talaabsatay wakaalada biyaha burco, xagay kaga maqnaayeen intii ay horumarka intan leeg ee ku talaabsatay wakaalada biyaha burco.tan iyo intii uu yimi maamulka cusubi    soomaalidu waxay tidhaahdaa biyo la,aani waa nolol la,aan wakaalada biyaha burco, waxa ay tahay mid ka mida, nolosha ay ku tiirsan yihiin dadweynaha reer burco waxaanay geed gaaban iyo geed dheerba u fuushay sidii ay bulshada ku nool gobolka togdheer, uga haqab tiri lahaayeen baahida xaga biyaha waxaanay ku talaabsatay horumar ay mahadiyeen dadweynuhu, iyada oo gobolka togdheer ka dhigtay dur dur ay ka soo bulqadaan biyaha ay isticmaalaan dadka ugu badan ee ku nool gobolka togdheer,  wakaalada biyaha burco waxa ay ku talaabsatay tan iyo maalintii ay majaraha u qabteen masuuliyiinta cusub ee loo soo igmaday, in ay masuul ka noqdaan wakaalada biyaha waxaanay gaadhay heer ilaahay lagu mahadiyo, waxaana muuqata dadaalka balaadha ee ay ugu jiraan in ay dadweynaha ku dhaqan magaalada burco ,ka haqab tiraan biyaha iyaga oo wada dadaalo iyo firifircooni gaar ah, oo ay ku sii xoojinayaan halwaha ay u hayaan bulshada ee ay uga masuulka yihiin   xaafadaha ka baxsan gudaha magaalada burco oo ahaa kuwo ay haysato baahi biyo la,aaneed ayaa ay wakaalada biyuhu u dhaqaaqday, isla markaana dadaal weyn ka gashay, sidii ay u gaadhsiinlahayd biyaha, waxaanay iska saareen masuuliyad gaar ah. waxaanay ku guulaysteen in ay xaafadaha magaalada burco, gaadhsiiyaan biyaha iyaga oo si aan kala joogsi lahayn, ugu socoto qasabadaha iyo beebka waaweyn ee loogu talo galay in ay gaadhsiiyaan biyaha, taas oo ay mahadiyeen dadweynaha kala duwan ee ku nool xaafadaha ka baxsan agagaarka suuqa, kuwaas oo ilaayo maalintii ay gaadheen biyuhu mahadinaayay masuuliyiinta cusub ee loo soo magacaabay wakaalada biyaha burco  xaafadahani waxa ay ka mid ahaayeen xaafadaha ay ka jirtay biyo la,aantu, waxaanay iminka isku bedeleen guud ahaanba kuwo ay wakaalada biyaha burco, ugu geysay biyaha goobahooda, waxaanay ka raysteen biyo la,aan badan oo ay inta badan ka cawdaan iyaga oo ka haqab beelay baahida biyo la,aaneed   xaafada maxamed cali  xaafada koosaar  xaafada manhal  xaafada al huseeini  xaafada loo yaqaan reer waajiga  xaafada actober  xaafada sii bakhti  xaafada plaza  xaafada caaqil yare  dhamaan xaafadahan kor ku xusani, waxa ay ahaayeen xaafadaha ay sida balaadhan uga jirto biyo la,aantu balse tan iyo maalintii ay xilka la wareegeen maamulka hada jira oo ah mudo kooban waxa ay xaafadahaas gaadhsiiyeen biyaha iyaga oo si fiican ugu qabsaday baahiyahooda aasaasiga ah  dadka ku caano iyo nabad maalay in ay been ka sheegaan horumarka ka tisqaaday gobolka togdheer, makuwo hoos u dhigaya wax qabadka u soo kordhay gobolka mise waxa ay ka tahay kuwo aay hayso xirfad la,aani, oo u haysta inay ku shaqo tagaan qalinkooda,isla markaana meel qaldan kaga dhacay qalinkoodii  horaa loo yidhi nin xil qaaday eed qaad, masuuliyiinta u heelan sidii ay u horumarin lahaayeen wakaalada biyaha burco, waxa ay yihiin kuwo fahansan masuuliyada loo igmaday isla markaana, wax qabadkoodu uu noqday dayax shan iyo tobana taas oo aanay qarin karayn cid kasta oo dafirta wax qabadka muuqda ee ay hir geliyeen wakaalada biyaha burco   maamulka wakaalada biyaha burco waxa ay ku mahadsanyihiin shaqada fiican ee ay u hayeen qaranka somaliland gaar ahaan gobolka togdheer waxaanay guteen waajibkoodii waanay ku amaanan yihiin, hadaba dadka qalinkoodu noqday kuwo ay ku hagar daameeyaan horumarka u soo kordhay maaha kuwo xaqiiqada ka sheegay wax qabadka ay muujisay wakaalada biyaha burco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here