Maareye ku Xigenka Wakalada Biyaha Magaladda Burco Sakariye Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa beeniyay warar shegaya inay magalada burco ka jirto biyo la-aan soo foodsartay magaalada

0
591

Maareye ku Xigenka Wakalada Biyaha Magaladda Burco Sakariye Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa beeniyay warar shegaya inay magalada burco ka jirto biyo la-aan soo foodsartay magaalada

Mareye ku xigenka wakalada ayaa shegay in aanay haba yaratee arkin cid ka cabanaysa biyo la-aan isla markaasna ay wakaladu daboshay Baahidii dhanka biyaha ee hore uga jirtay magalada burco

Waxaanu isagoo arrimahani ka hadlaya maareye ku xigenku hadalidisii ka mid ahaa sida tan

” Waxaan Cadaynayaa in Aanay Haba yaratee Jirin Biyo la-aan ka jirta magalada burco.ilaa iyo imika hadii aanu nahay maamulkii wakalada biyaha maanu arkin cid ka cabanaysa biyo la-aan,wakaladu sidii ay markii horaba u shaqayn jirtay ayay imikana u shaqaynaysaa,waa sunaha dowladnimo in la badalo masuliyiinta lana magacabo masuliyiin

cusub,shaqada waxa gacanta ku haya shaqalaha shaqalihiina sidii loogu talo galay ayay u shaqaynayaan, Mashiinada Biyaha Wakaladu waxay shaqeyaan 24 Sacadoodba halka ay markii hore ka shaqayn jireen 17 Sacadood,Wakhti Xaadirkani waxa lagu jiraa wakhti Kulayle ah Boyadihii Magaladu Biyo dhaamis ayay intodii badnayd ku jiraan oo biyo ayay miyiga u qadeen biyahahasna wasaradda biyuhu waxay todoba cisho u dirtay 17 Boyadood Dadka Miyiga ah Waxaana Biyahaas ay wasaradu u dirtay dadka miyiga ah laga dhamiyay riigaga ay leedahay wakalada biyuhu,Wakalada Biyaha Wakhti Xaadirkani Waxay Biyihii Gadhsisay Xaafaddo Aanay Horre Biyuhu u Gaadhi Jirin kuwaasi oo ay biyaha ka haysteen Geedka loo yaqaano Garanwaaga Oo Faro Baas ku haya Magalada iyo Ciid Xidhay Dhulkii la Marin Lahaa Beebka Biyaha,Sidoo kale waxaan cadaynayaa in aanay haba yaratee jirin Shaqaale iyo Farsamo yaqaano la eryay amaba shaqadda laga joojiyay sidii hore ayay u shaqaynayaan ilaa imika,Xaafadaha Barakacayasha Burco si xad dhaaf ayay biyaha u helaan dadkaas ka hadlay xafadaha baracakayashana ee yidhi biyo la-aan ayaa na haysana waxaan u aragnaa dad la soo ababulay,hadii aan inyar ka hadlo xafadaha Kosaar ee burco markii hore waxay la hayd Hal Taangi Oo Qaada 300 Foosto biyo ah imikana waxay xafadahasi ledahay Laba Taangi oo ay cabaan Dad iyo Xoolaba” Ayuu Yidhi Maareye ku Xigenka Wakalada Biyaha Burco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here