Qoysaska Militariga Mareykanka Ee Ku Sugan Koonfurta Turkiga Oo Lagu Amray Inay Iskaga Baxaan.

0
594

Mareykanka, ayaa amar ku bixiyay in qoysaska Ciidanka Militariga Mareykanka, ay isaga baxaan Koonfurta Wadanka Turkiga, sababo ku aadan halis dhinaca ammaanka ah oo jirta.
Wasaaradaha Gaashaandhiga & Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa Talaadadii sheegay in qoysaska Militariga iyo Diblomaasiyiintooda ku sugan Koonfurta Turkiga, ay si deg deg ihi uga soo daad gurayn doonaan.

Waxay si wada jir ah u sheegeen inay qoysaska ka daabulayaan meelaha ku dhow dhow Xeryaha Militarigu uu ku leeyahay Incirlik, Izmir iyo Naval.

Amarkan, ayay sheegeen in uu saamayn ku yeelan doono in ka badan 650 qof oo ka mid ah qoysaska Militariga Mareykanka, ee ku nool dalkaasi.

Waxay kaloo sheegeen inaanu go’aankan ahayn mid uu si buuxdo u gaaray Mareykanka, balse uu yahay mid lagu doonaayo in nabadgelyada qoysaska ay ku xaqiijiyaan.

Sidoo kale waxay cadeeyeen amarkani cusub inaanu wax saamayn ihi ku yeelan doonin hawlgalka, ay Ciidamada Mareykanka & Turkiga isaga kaashanayaan la dagaalanka Ururka Daacish.

Go’aankani wax saamayn ah kuma yeelan doono qoysaska Ciidanka Militariga Mareykanka, ee ku dhaqan Magaalooyinka Istanbul iyo Ankara. Istanbul waa Magaalada Turkiga ugu wayn, halka Ankara ay tahay Caasimadda Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here