Ciidamada Dalka Cyprus Oo Xabsiga U Taxaabay Ninkii Af-duubtay Diyaaraddii Laga Lahaa Dalka Masar.

0
471

Wararka ka imanaya dalka Cyprus ayaa sheegaya in ciidamada dalkaasi ay soo qabteen nin magaciisa lagu sheegay Seif Eldin Mustafa oo soo afduubtay diyaarad ku jirtey duulimaad gudaha dalka Masar ah.

A Mustafa.
Ninkii afduubtay dayaarad rakaab oo laga lee yahay dalka Masar, oo si qasab ah loogu dejiyey dalka Cyprus, ayaa iminka la xiray sida ay sheegeen saraakiisha dalka Cyprus.

“Waa ay dhammaatay. Afduubaha waa la xiray iminka” waxaa sidaas barta twitter ku shaaciyey wasaaradda arrimaha dibedda Cyprus.

Warbixinada qaar ayaa sheegaya in afduubaha uu sameeyey dalabyo la xiriira xaaskiisa oo iminka ku nool Cyprus, halka warar kalena ay sheegayaan inuu xirnaa walxaha qarxa.

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda oo ahaa illaa 55 qof, ayaa loo ogolaaday inay diyaaradda ka baxaan.

Madaxweynaha Cyprus, Nicos Anastasiades ayaa sheegay in afduubka uusan wax xiriir ah la lahayn fal argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here