WASIIR MAXAMUUD XAASHI CABDI IYO INTA AAN KA AQAAN… BY CABDIKHALAQ MAXAMED ALI (DALXA)

0
748

Bismilahi raxmani raxiim, dhamaan waxaan salaamayaa dadka reer Somaliland ee ku kala sugan daafaha caalamka, sidoo kale waxaan salaantaa la mida u dirayaa guud ahaan Warbaahinta madaxa banaan iyo ta maxaligaa ee Somaliland oo kaalin mugle ka qaatay horumarka dalka, waxaan doonayaa inaan wax yar ka iftiimiyo Wasiirka Madaxtooyada oo ah inta aan ka aqaan dadka la kulmayna ay ka barteen.

Maxamuud xaashi cabdi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland inta aan ka aqaan cidkasta oo la kulantayna ka taqaan baratay, shikhsiyan maxamuud xashi cabdi waa qof wanaagsan ilaahay siiyey awoodo iyo karti uu dadka kale dheeryahay runtii waa nin isagoo dhalin yaro ah soo maray mansabyo kala duwan dalkana ku leh sumcad aad u badan .

Wasiir maxamuud xaashi cabdi waa halyay u soo halgamay dadkiisa iyo dalkiisa isagoo dhalinyaro ah xilna ka soo qabtay ururkii snm waxanu ka qayb qaatay dib u dhiskii beelaha wada daga jamhuuriyada Somaliland sidookale wuxuu noqday maayirkii ugu horeeyay ee magalada burco12920872_1046481202079799_234340134_n

Waxuuna tuurta u ritay masuuuliyadii qabashada shirkii 1991 kii ee beelaha Somaliland oo dhamaan mayirada magaloyinka soomaliland ay ka cudur daarteen oo hargyasi ku jirto .

Mudane Maxamuud xaashi waxa uu Qabtay shirkii beelaha Somaliland wuxuuna muujiyaya hawlkarnimo dadaal isagoo aad u da,ayar shirkaas oo lagu goaminayay madaxbananida Somaliland   Sidookale waxa loo doortay xubin baarlamanka ah 1993 isagoo ahaa xildhibankii ugu da,ada yaraa barlamankii xiligaa

Sidoo kale waxa uu xilal ka soo qabtay xisbiga talada dalka haya ee kulmiye waxa uu ka mid ahaa maskaxihii ka danbeeyay asaaskii xisbiga kulmiye waxuuna ahaa ragii horseedka u ahaa guulihii uu kulmiye gaadhay waxana maxamuud xashi loo magacabay wasarada duulista oo laga wada dharagsanyahay say ahaan jirtay iyo heerka ay hada marayso mudo kooban ka dib waxa loo magacabay .

Wasiirka Madaxtooyada, Hadaba waxaa hubaal ah in Xaashi yahay Wasiirka ugu shaqada badan Xukuumada ugu dedaalka badan, waxaa biyo kama dhibcaana inuu yahay masuul si weyn u deeqay Madaxweynaha yahay uuna ku mutaystay Xilkasnimadiisa, Daacadnimadiisa, iyo Dadnimadiisa oo qancisay Madaxweynaha iyo in badan oo kamida Bulshada Somaliland.

Awoodaha ilaahay siiyey Wasiir maxamuud xashi waxaa kamida Aqoon, Karti, Geesi-nimo, Shaqo-wanaag, Samir, Dedaal,Aftahanimo, Daacadnimo, Haybad, Karaamo, runtii Wasiir maxamuud xaashi inta aan ka aqaan dadbadanina ka yaqaaniin waa intaa aan soo sheegay iyo in kalo badan , waxaan hubaal ah inuu yahay masuul leh Ixtiraam oo qofkasta oo u yimaada soo dhaweeya dhegaysta ka dibana qanciya, waxaanan ka marag kacayaa hab maamuuska uu bulshada ula dhaqmo inaan wali arag qof masuula oo sidaas oo kale bulsho kala duwan u qaabila taasna waxaa makhtaari iigu filan inta la kulantay.

Waa Geesi aan boqolka marinka uga baydhin , Hadalada kasoo yeedha afka Wasiir maxamuud xashi waxay dhinbiilo iyo gantaalo la ganay ku noqdaan dhegaha Siyaasiyiin kamida Xisbiyada

mucaaridkaa kuwaas oo sida fiinta galowga uga qeyliya weedhaha kasoo yeedha Wasiirka Madaxtooyada, waana hadal yaqaan hal-abuura inta badana hadalada siyaasadaysan wuxuu u adeegsadaa si tab iyo xeelad leh oo duur xul ah, Halka jawaabta siyaasiyiinta mucaaridku noqoto cay iyo aflagaado kasoo yeedha dibnaha ciroolayaal fashilmay.

Wabilaahi Tawfiiq.

Cabdikhaalaq maxamed ali (dalxa)

Eamail: [email protected]

Tell: 063 4311101

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here