hadal-iyo-hawl-nin-kaa-xigo-midna-lama-horarsado-waaiirkii-hore-ee-madaxtooyada-oo-ka-hadlay-gurmadka-dadka-abaaruhu-saameeyeen/

0
754

(QYN-Hargaysa) Hadal nin kaa Xigo iyo hawl nin kaa Xigo Midna Lama Hororsado, Haraadka dadkeena Hayana lagama aamusi karo ee waxaan jecelahay inaan hambalyeeyo cid walba oo ku hawlan hawshan sidoo kalena hogol tusaaleeyo hanaanka hawshu ku haboon tahay.

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Abaaruhu waa Aafo iyo masiibo weyn oo dalkeenii ku habsaday waxaanu dareenkaygu la jiraa kuwa dhibaataysan iyo inta ka shaqaynaysa la tacaalista mushkulada abaaraha, Allaha dhibica inoo hooriyo kuwa hawsha hayana u sahlo in ay gurmadka ay gudanayaan. Waxaan jecelahay in aan si kooban u cabiro Qorshaha ama farsamada Abaaraha ee dhibaatada ku haysa dadkii, xoolihii iyo guud ahaanba dalka sidii imika loola tacaali lahaa iyo sidii qorshe dhaw iyo mid fog-ba looga yeelan lahaa:
1. In Gurmad degdeg ah oo ka kooban Cunto-diyaarsan, Dawo iyo Nafaqo la gaadhsiiyo dadka iyo xoolaha tabaalaysan (Emergency prepared Food, Nutrition and first-aid)
2. Quudinta dadka iyo xoolaha inta roobka ka hadhay (Cunto iyo Calaf)
3. Roobka dabadii in dadkii caydhoobay qaab nololeed loo yagleelo (Xoolo ama Magaalo).
4. Biyo iyo baad lagu talo galo wakhtiga dheer ee mustaqbalka oo lagaga gaashaaman karo abaaraha soo noqnoqday
Hadii roobku di’i waayo, dadka sidoo loo badbaadiyaa ayaa taalla, Diwaangelinta, Muranada siyaasadeed iyo doorashooyinka xal-uun baa laysla gaadhiye aan dhibta qarankeena haleeshay isugu duubnaano oo meel uga soo wada jeesano. saxna maaha in lagu kaambayn-gareeyo ama cid lagu xago oo waxaa meesha ka baxaysa isku duubnidii aafada abaarta lagu qaabililahaa.
Waxaan baaq u jeedinayaa dadka reer Somaliland debed iyo gudo mucaarad iyo muxaafad inta la dhegaysto ama saamaynta kala duwan bulshada ku leh : Wallaalayaal waxaa jira abaar xoogan oo dad iyo xoolaba saamayn ku leh dalkeena mid miyi jooga iyo mid magaalo joogaba, waxaan leeyahay qof kastawba wixii aad awoodo kaga qayb qaado, wax kasta oo aad bixisaana wuxuun buu tarayaa, Illaahay agtiisa waxaad ka helaysaa iyadoo wayn. Wixii aynu bixinayno aan marino guddida abaaraha iyo nidaamka jira mana aha in lays barbar yaaco oo qofba meel wax ula cararo taasi oo keeni karta tamar badan oo inaga tacab khasaarta

Halkan hoose ka daawo waraysigaas oo aan maanta bixiyey:

Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here