“Xirsi Cali Xaji Xasan Waxaa Aad Looga Tabay Wasaaraddii Madaxtooyada”. Abwaan Laab-saalax.

0
448

LABA SALAXQYN-Hargaysa) Guddoomiyaha Kooxda dhaqanka ee Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laab-Saalax, ayaa sheegay in loo darsaday Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan.

Abwaan laabsaalax oo oo hadalkan ka yidhi munaasibad lagu baah furaayey Teleeshinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Bulsho’Tv oo hawda Satellite galay ayaa waxaa uu yidhi isagoo ka hadlaaya sida loo tabay Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan
“Halkan waxaa fadhiya Wasiirkii hore ee Wasaarada Madaxtooyada Mud. Xirsi Cali Xaaji Xassan oo aad looga tabay Wasaaradii uu Wasiirka ka ahaan jiray ee Madaxtooyada”. Markii uu weedhaas yidhi Abwaan Laab-saalax waxaa sacab xoogle tumay dadki madasha ku sugnaa, iyadoo uu dhoola cadayn kaga tiraabay Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan.
Qoryaalenews /Hargaysa/Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here