Xildhibaan OBAMA Oo Taageero Siyaasadeed Uhelay Mooshin Ka Dhan Ah Shirguddoonka Wakiiladda iyo Guddoomiye CIRRO Oo Orod Ku Galay Qasriga madaxtooyada

0
469

Xildhibaan OBAMA Oo Taageero Siyaasadeed Uhelay Mooshin Ka Dhan Ah Shirguddoonka Wakiiladda iyo Guddoomiye CIRRO Oo Orod Ku Galay Qasriga madaxtooyada.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo ka tirsan Golaha wakiiladda somaliland ayaa taageero siyaasadeed u helay mooshinka dhan ah Shirguddoonka Golaha wakiiladda somaliland gaar ahaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Obama ayaa la filayaa inuu Mooshinkani golaha horkeeno inta lagu guda jiro Kal-fadhigan Golaha wakiiladda ,waxaanna xaaladda golaha wakiiladdu noqonaysaa mid aad u kacsan kadib dhaqdhaqaaqa cusub ee soo kordhay.
Guddoomiyaha Golaha wakiiladda somaliland ayaa saaka si aan kedis ah ugu baxay Madaxtooyadda waxaanna la sheegay inuu ka codsaday Madaxtooyadda in la baajiyo mooshinkani cusub maadaama xildhibaanadda saxeexay ay u badan yihiin kuwii taageeri jiray Xisbiga KULMIYE .
Xildhibaan AxmedYasin Sheikh Cali ayaanle iyo Xildhibaan Saleban Cali Koore ayaa mooshinkani kula socda Xildhibaano Obama Kuwaasi oo durba la sheegayo inay u sharaxanyihiin shirguddoonka bedeli doona kan hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here