Xoggo Tibaaxey Dhaqaale Xumo Soo Wajahdey Xisbiga Wadani Iyo Safarkii Kapala Uu Ku Tagey Horjogaha Wadani Oo Arimo Sir Ah Laga Helay

0
478

Xoggo Tibaaxey Dhaqaale Xumo Soo Wajahdey Xisbiga Wadani Iyo Safarkii Kapala Uu Ku Tagey Horjogaha Wadani Oo Arimo Sir Ah Laga Helay

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Safar ku tagay Caasimadda Dalka Uganda ee Kampala.

Guddoomiye Cirro oo markii hore sii maray Magaalada Addisa Ababa ee Magaalo Madaxda u ah Dalka Itoobiya, ayaa la sheegay in Safarkiisa Magaalada Kampala uu qayb ka yahay Dedaallo dhaqaale Urursi oo uu doonayo inuu bilaha soo socda ku soo maro Dalalka dibadda, ka dib markii Xisbiga WADDANI ay soo food-saartay Dhaqaale xumo.

 

Warka, ayaa intaa ku daraya in Guddoomiyaha WADDANI uu Magaalada Kampala ugu tagey Haweenay Reer Somaliland ah oo Magaceedu yahay Aamina Xirsi Mooge, taas oo Ganacsi ballaadhan ku leh halkaasi, isagoo u bandhigay dhaqaale xumada soo waajahday Xisbigiisa, iyadoon la gaadhin ololihii doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, waxaanu sida la wariyey ka codsaday inay taageerto oo ay Lacag buuran ku caawiso Xisbiga WADDANI. Hasa-yeeshee, sida loo xaqiijiyey Shabakadda Wararka ee QorilugudNews Aamina Xirsi Mooge ayaa diidday inay bixiso lacag ka badan $ 20.000 oo ay u ballan-qaadday.

Guddoomiyaha WADDANI, ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada Kampala waxa uu kulan la yeeshay Ardayda Reer Somaliland ee wax ka barta Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Kampala, laakiin lamuu kulmin Cid ka tirsan Laamaha Dawladda Uganda, sida Baarlamaanka.

Dhawaan ayay ahayd markii la baahiyey Cod sir ah oo laga helay Haweenay ka mid ah Garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI, taasi oo ku ooyeysa in dhaqaale daro soo waajahday Xisbiga isla-markaana $ 10.000 doollar oo keliya ugu jirto Akoonka.

Haweenayda, ayaa sidoo kale sheegtay in dhaqaale xumada Xisbiga WADDANI soo waajahday ka dhalatay Jlibyada Beesha Guddoomiye Cirro ee gudaha iyo Dibadda Dalka oo ka gaws-adeygay inay bixiyaan Lacago laga codsaday inay Xisbiga ku taageeraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here