“Arinta Khilaafka Xisbiga UCID Waxba Ka Odhan Maayo”Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Afka Ka Xidhey Khilaafka Xisbiga UCID.

0
371

Arinta Khilaafka Xisbiga UCID Waxba Ka Odhan Maayo”Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Afka Ka Xidhey Khilaafka Xisbiga UCID.

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay maanta warbaahintu ay wax ka weydiisay sababta uu uga hadli waayey khilaafka xisbiga UCID ka dhex hilaacay oo uu gudoomiyuhu hore uga qeyb qaatey khilaafkii xisbul xaakimka kulmiye xalintiisa ayaa waxaa uu gudoomiyugu sheegay in aanu ka hadlen khilaafkaasi .

 

Guduumiye saleebaan oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Arinta khilaafka xisbiga UCID waxba ka odhan maayo , waar waxba ka odhan maayo ayaan idin idhi ama su,aashaas soo cel cesha ama ha soo cel celinina ” ayuu yidhi gudoomiye Saleebaan .

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ugu baaqay in gudoomiyaha guurtida soo dhex galo khilaafka xisbiga UCID maadama oo uu dhex dhexaadiyey khilaafka xisbiga KULMIYE .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here