Xildhibaan Mubaarig Bidhi “Marxuum-Cabdi Aw-Daahir Waxa Uu Ahaa Ku Siyaasiyiintii Sida Cad-ceeda Uga Dhex Muuqday Saaxadda Siyaasadda Somaliland

0
502

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha deegaanka degmadda Burco, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Wasiirkii hore ee shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Marxuum-Cabdi Aw-Daahir Cali oo maanta ku geeriyooday magaaladda Burco.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu dhambaalkiisa tacsida ahi u qornaa sidan:-
“Alle ha u naxariistee waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyskii, qaraabadii iyo axsaabtii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Wasiirkii shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Dr. Cabdi Aw- Daahir Cali, oo 06/04/2016 ku geeriyooday magaaladda Burco, waxaanan ILAAHAY uga baryayaa Marxuumka oo ahaa mujaahid iyo nin qaran oo ka baxay Somaliland oo dhan inuu EEBE naxariistiisa jano ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum-Cabdi Aw Daahir waxa uu ahaa siyaasiyiintii sida cad-ceeda oo kale uga dhex muuqday saaxadda siyaasadda Somaliland 25-kii sannadood ee la soo dhaafay, isagoo soo soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala ahaa Wasaaradaha Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha, shaqadda iyo arrimaha bulshadda, xoghayihii guud ee xisbigii UDUB. waxa kale oo uu kaalin shariif ah ka soo qaatay geddi-socodkii xisbiga tallada haya ee KULMIYE.”

Mubaarig Yuusuf Cilmi

Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Burcothumb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here