Kulan Dhex Maray Xirsi Cali X,Xasan Iyo Samaale Oo Si Weyn Loogu Quus Gooyay Xisbiga Wadani Oo Naawilayay Inay Ku Soo Biiraan Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye

0
561

Kulan Dhex Maray Xirsi Cali X,Xasan Iyo Samaale Oo Si Weyn Loogu Quus Gooyay Xisbiga Wadani Oo Naawilayay Inay Ku Soo Biiraan Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye Maal Mihii u danbeeyey waxa laga dayrinaayey xaalada siyaasadeed ee Isbahaysiga iyadoo la sheegay in ay ka bixi doonaan siyaasiyiintii ugu cuslaa oo ay ka mid yihiin Maxamed Biixi Iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan halka uu hore uga baxay Cabdicasiis Samaale Sidoo kale waxa la sheegay in xalay kulan mudo dheer qaatay uu Guriga Cabdicasiis Samaale ku dhex Maray Isaga Iyo Ex Wasiir Xirsi oo iska xaal waraystay xaalada siyaasadeed ee dalka maadaama oo ay ahaayeen laba masuul oo mudo badan meel uga soo wada jeestay xaalado siyaasadeed oo la so gudboonaaday hadana la sheegay in ay wada qaadaayaan go’aan siyaasadeed oo mid ah kaasi oo u dhow in ay xukuumadda taageero siiyo Ilo Xog Ogaala Oo Si Dhow Ula Soxday Isla Markaana U Dhuundaloola Kulankan Ayaa Sidoo Kale Waxa Ay Ku Derseen Sidii Ay Natiijo Midho Dhasa Uga Gaadhi Lahaayeen Khilaafka Iyo Is Dhex Yaaca Siyaasadeed Ee Ka Dhex Bilaamay Xisbiga Kulmiy Ee Ay Doonayaan In Ay Xisbiyada Mucaaradka Ah Kala Jiitaan Isbahaysiga Kulmiye           Cabdicasiis Samaale iyo Xirsi waxa la sheegay in ay kulankan kaga wada tashadeen sida ay suurta galnimo u noqon karto isla markaana ay ku aamini karaan heshiis siyaasadeed oo ay Muuse Biixi la galaan si ay mustaqbalkooda siyaasadeed uga midha dhaliyaan xisbiga Muxaafadka Ah ee Kulmiye Waxa la sheegay in Ex Wasiir Xirsi ka dayriyey heshiiskaasi balse Samaale u soo bandhigay Qorshe ah in ay maxkamadda iyo shacbiga hortooda heshiiska Muuse Kula galaan ka bacdina ay dib ugu laabtaan siyaasadda Kulmiye Iyo Ta Xukuumadda labadaba  Ugu danbayn kulankan ayaa layskula qaatay in labadan siyaasi ay joojiyaan damacca ah in ay ku biiraan Xisbiyadda Mucaaradka isla markaana ay hankooda kaga midho dhaliyaan xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiyea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here