Madaxtooyadda Iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Qaabka Looga Hortagayo Tahriibka.

0
482

Madaxtooyadda Iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Qaabka Looga Hortagayo Tahriibka. Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inaanay jirin ciidan gaar ah oo loo samaynayo ka hortagga tahriibka iyo dadka ka shaqeeya waxaase uu sheegay taas bedelkeeda in ciidamada Booliska la hawlgalin doono oo ay si adag u shaqayn doonaan ayna ku filan yihiin inay xidida u siibaan shabakadaha magafayaasha dalka iyo dalalka jaarkaba ku sugan. Maxamed Muuse Diiriye ayaa isagoo arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi: “Hawsha magafayaasha lagu soo qabanayaa way socotaa idin odhan mayno ciidan gaar ah ayaanu u samaynaynaa kuwa jooga ayaa ka shaqayn oo ku filan waa la hawlgalinayaa” Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa dhowaan sheegay inay samayn doonaan ciidamo u gaar ah ka hortagga tahriibka balse hadalka wasiiru dawlaha ayaa sidaasi ka duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here