Kulan Lagu Dardar Galinayo U Diyaar Garawga Diinwaangalinta Cod Bixinta Oo Loo Qabtay Murashax C/Naasir Yuusuf Cismaan(Qodax)

0
509

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen sida ay Diinwaangalintu muhiimka ugu tahay Doorashada iyo Guusha Murashaxaba .  Xubno ku hadlayay afka Haweenka ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay, waxaanay ku booriyeen Dhamaan Bulshada ka soo jeeda Deegaankaasi in ay is diinwaangaliyaan oo guntiga dhiisha isaga dhigaan .  Murashax C/naasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay dhawaan safaroo ugu bixi doonaan deegannada hawdka si ay uga qeyb qaataan Diinwaangalinta oo ay dadka wacyi galiyaan, sidoo kale wuxuu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay bulshada Deegaanka Cabdi Ciise meel kasta oo ay Dagaan ay u waci galin lahaayeen si ay isu diinwaangaliyaan .  Murashax Cabdinaasir ayaa ku dardaaray dhamaan dadkii ka soo qeyb galay kulankaasi in ay dadaalka libin laabaan oo ay wakhti iyo dadaalba galiyaaan si ay bulshada u wacyi galin lahaayeen iyo sidii ay isu diinwaangalin lahaayeen .  Kulankaasi waxaa soo gunaanaday Kulankaasi Garaad Mustafe Maxamed Cumar oo halkaasi ka yidhi Ereyo isugujiray Waano iyo fariin , waxaanu faray dhamaan Dadkii ka soo qeyb galay Munaasibaddaasi in ay is diinwaangaliyaan oo ay dadkan wacyi galiyaan .  Ugu danbeentii Haween waynaha Beelaha Cabdi Ciise iyo Bahihiisa ayaa Lacag ku wareejiyay Guddida Guud Ee Beesha Cabdi Ciise iyo bahihiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here