Wakaaladda Qurbajoogga JSL oo ugu Baaqaysa Jaalliyadaha Somaliland u diyaar garawga xuska 18 May 2016

0
502

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi (Dayaxweerar) ayaa maanta War Saxaafadeed uu ka soo saaray Xafiiska Wakaaladda Qurbajoogga ee Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ugu baaqay dhammaan jaalliyadaha iyo qurbajoogga Somalialnd guud ahaan inay si weyn ugu diyaar garoobaan xuska 25-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland iyo sidoo kale inay ka qayb qaataan saxeexa dhambaalka doonista aqoonsiga Somaliland oo isla maanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL si rasmi ah ugu dhawaaqday in gudo iyo dibadba la saxeexo (Somaliland petition) lana xaqiijiyo hal milyan oo saxeex ka hor 18 May, 2016 haddii Alle idmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here