Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland Oo La Wareegay Guriga Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya.

0
594

Ciidamada maamulka Puntland oo watay Gaadiid Dagaal ayaa la wareegay Guri la sheegay inuu lahaa Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya ee dhawaan ka go’day Alshabaab Seikh C/qaadir Muumin.

Muuqaal laga soo diyaariyay qaabka loola wareegay gurigaasi ayaa waxa uu muujinayaa in Ciidamada ay gurigaasi u galeen iyaga oo u socda raxan raxan kana cabsi qabay in Dagaalyahaano ka tirsan Daacish ay ku jiraan gudaha guriga.

Xiliga ay Ciidanka Puntland la wareegayeen guriga ayaa waxaan halkaasi ku sugneyn Hogaamiyahan, iyadoo dhinaca kalana aanay jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen dagaalyahanada mayalka adag.

Jeneral Saciid Maxamed Xirsi taliyaha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in inkastoo ay ka guulesysteen Al Shabaab iyo Daacish hadane ay u baahan yihiin taageero caalami ah hadii ay waayaana ay aragagixisado ay hooy ka dhiganeyso deegaanada Puntland sida uu yiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here