Xildhibaanada Dalka Turkiga Oo Gacanta Iskula Tagay Xili Ay Ka Doodayeen Sharci Cusub.

0
574

Xildhibaanada dalka Turkiga ayaa gacanta isula tagay xili Guddiga sharuucda uu ka doodayey sharci cusub oo dowlada u fasaxaya inay xasaanada ka qaado qaar kamid ah Xildhibaanada.

 

Sharcigan cusub ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeda Xildhibaanada Mucaaridka oo sheegaya in dowlada ay dooneyso inay xabsiga dhigto qaar kamid ah xildhibaanada oo lagu eedeenayo inay xiriir laleeyihiin ururada hubeysan ee Kurdida.

Dooda Baarlamaanka ayaa markii danbe isu bedashay gacan ka hadal kadib markii xildhibaano badan soo buuxiyeen goobtii uu ku shirayey guddiga sharcigaan ka dooda kahor intaan loo soo gudbin codbixinta Baarlamaanka.

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo horey u sheegay in dowladiisa la dagaalami doonto kooxaha kurdida ah ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in tilaabo laga qaado Qareenada, Saxaafada iyo Xildhibaanada xiriirka laleh kooxaha dagaalka kula jira wadanka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here