Duqa Degmada Burco oo Qabanqaabinaya Xaflad uu ku Danbabasayo Kacdoonada Lagu Diidanyahay ee ka socda Magaalada

0
509

Waxa si weyn magaalada Burco uga socota Qabanqaabada Xaflad Maayarka Magaalada lagaga danbabasayo kacdoonada reer burco kaga soo horjeesteen waxqabad la’aantiisa kuwaasoo maalmihii u danbeeyey ka soconayey Xaafadaha Magaalada,

iyadoo Dhaliilihiisa u waaweyni soo Baxeen kadib markii Roobab Xoogan ka curteen Gobolka Togdheer isla markaasna ay khasaare soo gaadhsiiyeen Qoysas Badan ooka mida Bulshada Reer Burco.

Kacdoonadaas iyo banaanbaxyadaas oo an indhaha laga qarsan Karin ayaa sababay inay saamayn xoogan iyo waji gabax uu kala kulmay bulshadii soo dooratay ku noqotay duqa degmada waxana dad koobani kala shaqaynayaan sidii uu xaflad ugu qabsan lahaa hudheelada magaalada si ay ugu taageeraan, waxana saaka mikirifoon lala dhex maray gudaha magaalda kaasoo bulshada loogu shegayey xafladaas loo qabanayo maayarka.

Maayarka Burco ayaan la garanayn macnaha ay u samaynayso xafladaas maadaama aanu bulshada iyo kalsoonida xildhibaanadiisa ku hanan Karin xaflad iyo shaashad la soo istaago ee ay raali kaga noqonayaan daryeelka bulshada iyo waxqabadka ay u baahan yihiin.

Dadka siyaasadda iyo maamulka indho indheeya ayaa rajo xumo badan ka muujinaya sii joogista maayarka ee kursiga maayarnimo waxayna sheegayaan in la gaadhay wakhtigii uu kursiga bannayn lahaa si uu fursad usiiyo xildhibaano badan oo han jabay kadib markii ay isugu darsantay canaantii bulshada soo dooratay iyo waxqabad la’aanta xubnihii ay hogaanka golaha u doorteen.

Kala soco Shebekedda Afkashacabka.com Wixi warar ka so kordha Xafladaas maayarku qabsanayo iyo cidda ka so qaybgasha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here