Kooxda Xiddiga Geeska oo Xilkii Ka Xayuubiyey Gudomiyahoodii Maamul cusub na doortay iyo Abwaan Laabsaalax oo ka Dareenceliyey

0
583

Kooxda Fannaaniinta Xidigaha Geeska ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahoodii Abwaan Xasan Dhuxul (Laab-saalax).

Kooxdan oo caawa fiidkii shir ku yeeshay magaalada Hargeysa, ayaa waxay soo saareen go’aan ay ku sheegeen in ay isku waafaqeen in ay xilka ka qaadaan guddoomiyahooda Abwaan Laab-saalax oo ku maqan waddanka Kenya.

00000000000000000

Sidaana waxaa lagu sheegay War-saxafadeed ay soo sareen xubnaha kooxda Xidigaha Geeska oo isu dhami, kaas oo u dhignaa sidan.

“Kooxda Xidigaha Geesku waxay doorteen Maamul cusub oo kooxdaas hagi doona, iyadoo gudoomiyaha kooxda Xiddigaha Geeska ee labada sanno ee soo socda si rasmiya loogu doortay Axmed Wali Ibraahim Maxamuud{ Furinle} , oo ay cod gacan taag ah ku dorteen 21 xubnood oo shirka kasoo qeyb galay, sidaana uu xilkaasi ugu ansaxay isagoo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka kooxda xidagaha geeska.

Halka sidoo kale Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Maxamed Axmed Bakaal {Cirro} oo 22 xubnood cod cod gacan taag ah ugu doorteen xilkaasi isagoo hore u ahaa xoghayaha kooxda Xidaha Geeska, waxa sidoo kale xoghayaha kooxda Xidagaha Geeska loo doortay Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi {Oday} taas oo 21 xubnood ay xilkaasi u codeeyeen,hore wuxuu u ahaa ama u hayay madaxa abuubulka kooxda Xidagaha Geeska.

Sidaa daraadeed Guddoomiyihii hore ee kooxda Xidagaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul {Laab Saalax} isagoo ku mahadsan xilka uu soo hayay muddo laba xilliyeed ah, horumarkii iyo guulihii uu gaadhsiiyay kooxda waa mid karaamo iyo qadarin ku leh kooxda dhexdeeda.

Allaa Mahad leh

  1. Axmedweli Ibraahin Maxamuud

  2. Sidiiq Maxamuud Gahayr

  3. Maxamed Siciid C/laahi (Xarrago)

  4. Maxamed Siciid Cabdi (Bk)

  5. C/risaaq Xaamud Caydiid (Jaylani)

  6. Maxamed Miyir Xaaji

  7. Sidiiq Maxamed Burmad

  8. Guddiga Agaasinka Kooxda Xiddigaha Geeska (BOD)”

Dhinaca kalena Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax – Gudoomiyihii Muddada dheer soo maamulayay kooxda Xiddigaha Geeska ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas, fariin kooban oo uu soo dhigtay barta uu ku leeyahay shabakada Bulshadu ku kulanto ee Facebook.

Shirwaynaha kooxda oo ay kasoo qayb galeen 22 xubnood ayaa Qoraal ka soo baxay xarunta xidigaha Geeska ee magaalada Hargeysa fiidnimadii Axada lagu sheegay in ururka fanaaniinta Xidigaha Geeskudoorteen xubno maamul oo cusub, xilkiina ka qaadeen Gudoomiye Xassan Saleebaan.
Laab-Saalax, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu jiray Muran soo jiitamayay oo ka dhex aloosnaa xubnaha xidigaha geeska, sidaas darteedna uu xilka gudoomiyenimo isaga casilay.

“Kooxda Xidigaha Geesku Waa Koox Ku Dhisan, Nidaam Sharciya islamarkaana Leh Qawaaniin Ay isku Maamusho.
Hadaba iyadoo Kooxda uu Muran Ka Taagnaa in Mudda ah. Anna Aan ka Maqnahay dalka waxaan Shacabka Ku Xidhan Kooxda iyo Xubnaha Kooxda u Cadaynayaa In aan Si Rasmiya iskaga Casilay Xilkii Gudoomiyenimo

Maamulkii iyo Xubnihii kooxda ahaa sida wacan iila Soo Shaqeeyayna Waan u Mahadcelinayaa.

ALLAA MAHAD LEH

Sidaas ayuu Qoraalkiisa ku So gabagabeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here