Maayirka Muraad Oo Baadhadhkii 18may Loo Sameeyey Ku Taageeray Muuse Biixi+Sawiro

0
593

Qaban qaabada 18ka may Ee Magalada Burco ayaa Loo Xilsaaray Mayerka Degmada Burco Maxamed Muraad, Qaban qaabada 18ka may Ee Magalada Burco ayaa Loo Xilsaaray Mayerka Degmada Burco Maxamed Muraad, Sida u warbaahinta u sheegay Badhasaabka Magalada Burco Mr Maxamed Ibraahin Aadan Qabo.

Qaban qaabada oo iyadu maalmahan aan laga dhex dareemayn magalada burco, marka laga reebo Dhalinyaro da’yar ah oo Is Xilqaantay Oo Iyaga Fankooda La kala xulanayey Mooyane, aan wax qaban qaabo oo kale aanay jirin, ayaa waxaa Maanta uun magalada burco ku Baraarugtay Boodhadh Lagu Xidhay Oo Aad Moodo In Dawlada Hoose Aaminsantahay in 18ka may ee loo xil saray ay tahay mid u Qabanayo Xisbiga kulmiye oo kaliya sida ka muuqata Boodhadhkan oo ah kuwa magalada burco lagu Xidhay.

 

 

 

Boodhadhkan Cusub ee u mayerka magalada burco ku xidhay magalada burco ayaa Laga Yaaba Inay hoos u dhigan sida ay Bulshadu Uga Qayb qaadan lahayd Inay Hoos u dhigto. Madama aanu dalku ahayn xisbul xaakimka oo kaliya.

 

Arinkan ayaa kusoo beegmaya wakhti ay magaladuba ku kacsantahay mayerka Burco Maxamed Muraad, taasi oo arinkanina ay dadka qaarkood u turjunteen In Ay Tahay Cadho ka kacday Canbaraynta Xoogan ee bulshadu farimaha uga dhigayaan, isna u dhagaha kasii awdanaayo.

Boodhadhkan Madaxdii gobolka togdheer, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Lagu soo dhex Rakibay ayaa Muran weyn abuuray. Taasi oo soo jiidatay indhaha warbahinta iyo indhaha bulshadaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here