Somaliland: Xukuumadda Oo Wariyihii Shanaad Todobaad Gudihii Ku Xidhay Laascaanood.

0
523

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku cambaareynayo xadhig sharci darro ah oo aanay maxkamadi amrin oo ciidanka boolisku magaalada Laascaanood xabsiga ugu taxaabeen wariye Maxamed Axmed Maxamed oo ka tirsan telefishanka Kalsan.

image

War-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani waxa uu u dhignaa sidan “Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu walaac ka muujinayaa tallaabada ay xukuumadda Somaliland toddobaad gudihii galabta ugu xidhay wariyihii shanaad magaaladda Laascaanood, kaasoo Boolisku ka kaxaysteen xarunta Telefishanka Somalinews oo uu ku sugnaa Wariye Maxamed Axmed Maxamed oo ka shaqeeya Telefishanka Kalsan.

Xadhiga wariyahaa ayaa dhacay goor uu wariyuhu barnaamijyo ku diyaarsanayey xaruntaasi, waxaana ciidamadda u dalbaday Xildhibaanad ka tirsan Gollaha Deegaanka Laascaanood oo goobta ugu soo gashay, iyadoo ugu hanjabtay maxaa laguu xidhi waayey.
Sida ay wariyayaasha Goob-jooga u ahaa xadhiga wariye Maxamed Axmed Maxamed SOLJA soo gaadhsiiyeen waxay markiiba qabsatay Telefoon, iyadoo ay goobta soo gaadheen xaruntaasi isla markaana ay taxaabeen wariyaha.

Wariye Maxamed Axmed Maxamed waxa dorraad ku qabsaday madaarka Laascaanood askar Booliis ah oo raadinaysay, hase yeeshee waxa ka sii daayey odayaal u socday soo dhaweynta Madax dhaqameedkii ka qayb-galayey Caleemo saarka Suldaan ka soo jeeda Gobolka Sool.

Ciidamadda Booliiska ayaa xidhay wariye Maxamed Axmed Maxamed iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan Maxkamadda Gobolka, taasoo ah tallaabo ka baxsan sharciga Saxaafadda, isla markaana ka hor imanaysa xuquuqda Dastuuriga ah ee Saxaafadda.
Wariye Maxamed Axmed Maxamed waxa uu warar ka baahiyey 18-kii May iyo khilaaf ka dhex jiray Gollaha Deegaanka Laascaanood, taasoo sababtay in maamulka Gobolku Amro xadhigiisa.
Xadhiga Wariyahan ayaa noqonaya kii shanaad, waxaanu Ururka SOLJA u arkaa caqabad cusub oo ay Xukuumadda Somaliland ku soo rogtay bahda saxaafadda, taasoo meesha ka saaraysa Madax bannaanida saxaafadda ee Dastuurku Damaanad qaaday.

Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay Xorriyadooda usoo celiso wariyayayaasha kala ah Maxamed Axmed Maxamed oo ay ku xidhay Laascaanood iyo Wariye C/rashiid Sh C/wahaab Sh Ibraahim oo maalintii afraad ku xidhan xarunta C.I.D-da Hargeysa.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here