War Deg Dega:Qaraxyo Is Daba Jooga Oo Ka Dhacay Maamulka Puntland Iyo Al Shabaab Oo Sheegtay Inay Puntland Ka Dileen 17 Askari

0
485

War Deg Dega:Qaraxyo Is Daba Jooga Oo Ka Dhacay Maamulka Puntland Iyo Al Shabaab Oo Sheegtay Inay Puntland Ka Dileen 17 Askari

Wararka ka imaanaya Buuraha Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in qaraxyo is xiga maanta barqadii lala beegsaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Puntland.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxyada oo ahaa miino dhulka hoostiisa lagu aasay ayaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen ciidanka Puntland ee saldhigyada ku leh Buurta Galgala.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland uu ka soo gaaray qaraxyada khasaare kala duwan, iyadoo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ay sheegeen in afar askari uga dhaawacantay.

Al-Shabaab oo ka hadashay qaraxyada maanta ka dhacay Buuraha Galgala ayaa sheegtay inay ku dishay illaa 17 askari oo ka mid ah ciidanka Puntland.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii askar ka tirsan Puntland lagu dilay qaraxyo ka dhacay Buuraha Galgala, waxaana muddooyinkan soo badanayay qaraxyada lala eeganayay Kolonyada Ciidamada Puntland ee ku sugan Buuraha Galgala.

Puntland ayaa dagaal kula jirta Kooxda Al-Shabaab oo fariisimo ku leh buuraha Golis, waxaana dhowaan koox sheegtay inay ku biirtay Daacish ay ka soo muuqday deegaanada waqooyi bari ee Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here