Faysal Cali Waraabe Oo Taagerayaasha Jamaal Cali Xuseen Ku Koobay Haween Iyo Jawaabta Murrashaxa UCID.

0
533

Khilaafka Xisbiga UCID ayaa markale cirka isku shareeray kadib markii shalay si rasmi ah loo gudo galay dacwaddii xisbiga oo ay ka garnaqayeen guddiga ururada siyaasadda.

download (1)

Kadib markii laga soo baxay dhagaysiga dacwadda ayuu Faysal Cali Waraabe warbaahinta madaxa-banaan la hadlay waxaana uu weeraray Jamaal Cali Xuseen oo uu sheegay inaanu haynin habkii Murashaxnimo balse uu ku mashquulsanyahay haasaawaha hablaha, waxaana uu Faysal Cali Waraabe oo arrinkaas ka hadlayaa yidhi:

“Sharciga ayuunbaa lagu kala soconaya iyo xeer No 14, Sulux iyo sacabkaa la ii tumay iyo hablahaa i jecel iyo waa la ii codaynayaa iyo waxaas musharax lagu noqon maayo, aniguna wixii go’aan ah ee soo baxa waan aqbalayaa”

Hadalka Faysal Cali Waraabe oo uu muuqda mid meel kadhac ku ah sharafta Murashax Jamaal Cali Xuseen ayaa isna waxaa dhankiisa ka hadlay Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, waxaana uu ugu horayn sheegay inuu xaal siinayo haweenka iyo hablaha Somaliland oo uu sheegay inuu Faysal ku gafay, Geesta kale Jamaal Cali Xuseen waxa uu wacad ku maray inay Faysal Cali Waraabe illaa aakhiro isula dhaadhici doonaan. Jamaal oo arrinkaas ka hadlayaa ayaa yidhi:

Carab Dalab leh cadaabtu geshaa, Caalim iyo Sheekhe.

Marka Hore waxaan xaal gole Joog ah siinayaa Haweenka uu ku gefay Faysal Cali Waraabe.

Miyaanu ogeyn inay Haweenku yihiin laf dhabarta dalka Ee isku Haysa reeraha, in hooyooyinka iyo hablaha uu Faysal caayo maanta Waa shay laga xishoodo. Waxaanan leeyahay hablahaygiiyoow xaal qaata; Kolay maanta xaaladuu ku SUGAN yahay maaha mid Sahlan waxaanay u baahan tahay gurmad. Malaha Faysal Weli ma oga sababtu laba jeer u dhacay inay tahay inuu Soo jiito dadka codeeeya Ee Haweenka iyo Dhalinyarada OO mar walba labadaa kooxood aflagaadeeyo, laakiin ma cid baaba ka baxday ay.. Dacwaddii maantuna waxay ahayd ka badbaadinta Faysal Ee xisbigga UCID iyo hanaanka anshaxa dimuqraadiyadeed iyo ixtiraamka shuruucda xisbiyadda.

Maanta waxaa kala cadaan doonta in qof uu af duubi karo Xisbi Qaran, OO uu heshiis yada markay u baneyso ka bixi karo, OO 120,000 OO cod keligii jeebada ku shuban karo, xisbi Kalena u adeegi karo.

Hunguri wedkii ma arko, ama bood ama caytamaaya ama cirka Qabo, walaahi ilaa aakhiro kaa Hadhi mayno adiga iyo kuwa dabada kaa wadana. Taageerayaalow samra Ilaahay Waa caadile.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here