Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Sheegay Inuu Mustaqbalkiisa Siyaasadeed Tobanka Cisho Ee Soo Socda Go’aan Ka Gaadhi Doono, Xili Boodhadhkii Ku Biritaankiisa Xaflada KULMIYE La Sii Dhajiyay.

0
536

Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee uu ka biiri doono mid ka mid ah saddexda xisbi qaran isaga oo sheegay inaanu Murrashax ka noqon doonin xisbiga uu ka midka noqdo balse uu olole u gali doono sidii uu ku guulaysan lahaa xisbiga uu xubinta ka noqdo waxaanu arrintaa ka sheegay mar uu kulan aqooneed la qaatay ardayda Jaamacadda Burco, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

 

image

“Waxaan u imid dalka annigu murrashax noqon maaye bal in aan eego halka aan tallo ka bixin karo ee aan xubin ka noqo karo waddanka taladaa ka socota, markaa waxa aan isku dayayaa inta aanan Maraykanka ku noqon in aan arrintaa shaaciyo oo aan umada u sheego tobanka cisho ee soo socota adinkuna aad maqli doontaan laakiin dee annigu murrashax ma ihi haddii aan xisbi galo waxa aan isku dayi doonaa in uu guulayso xisbiga aan galo”

In kasta oo uu Axmed Ismaciil Samatar sheegay inuu 10-casho kadib shaacin doono Xisbiga uu ku biiray hadana waxaa la diyaariyay xafladii ku biritaankiisa Xisbiga KULMIYE, iyadoo boodhadh sawirkiisa lagu xardhay lagu qaybiyay magalooyinka Hargaysa iyo Boorame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here