Xisbiga WADDANI Oo Taageerayaashiisa Ku War-galiyay Wakhtiga Ay Ku Soo Biirayaan Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE

0
705

Xoghaye ku-xigeenka siyaasada ee xisbiga mucaaradka ah ee WADAANI Md. Maxamed Abiib Yuusuf ayaa warka ku shaaciyey, kuna sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay xalay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka dadweynaha ee Facebook, kaasoo uu ugu bushaareeyey kuna war-galiyey dhammaan Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee ku kala sugan dalka guddihiisa iyo dibeddiisa-ba inay ogaadaan in Xisbigooda Mucaaradka ee WADDANI si rasmiya ugu soo biirayaan Bacdal Ciida Ramadaan Siyaasiyiinta miisaanka culus leh ee Garabka Is-bahaysiga Xisbiga KULMIYE.

IMG_828116-D0E617-EA4F68-0B9C27-454FFE-56E476 (1)

Qoraalka Xoghaye ku-xigeenka Siyaasadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Maxamed Abiib Yuusuf, isagoo dhamaystiran waxa uu dhig-naa sidan:-

“Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani waxan u Sheegayaa in Bacda Ciidka ay Xisbiga kusoo Biiri doonaan Garabkii Xooga Badnaa ee La Magac Baxay Is Baahaysiga Kulmiye

Runtiina ahaa Ruuxdii Iyo Udub Dhexaadkii Kulmiye ee Dhaliyay Guushii 2010 iyo Aas aasayaashiiba.

Waan hubaa inay Tamar, Cod, Cudud iyo Cuud kusoo Kordhin doonaan

Hadaba Hawlaha Xisbiga waa la Dardar Galinayaa u Diyaar Garooba meelkasta oo Aad joogtaan Mooralka iyo Niyada Xoojiya Dhab ahaana marka la Abla Ableeyo Xisaab Ahaan Inagaa Waddana Waa Halkii Mrx Cawke ilaahay Ha u Naxariistee.”

Ku-xigeenka Siyaasada Xisbiga Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here