Qalalaase Siyaasadeed Oo Ka Bilaamay Maamulka Puntland Iyo Sarkaal Sare Oo Xabsiga Loo Taxaabay.

0
659

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyey in la xidho Col. Cabdicasiis Cismaan Togox oo ahaa ku xigeenka Taliyaha qaybta Booliska gobolka Barri kadib markii lagu eedeeyey inuu sameeyey amar diido la xiriirta xil ka qaadis lagu sameeyey.

large

Col. Togox ayaa ayaa waxaa horey khilaaf u dhexmarey Taliyaha qaybta Booliska gobolka Barri Cabdixakiim Yusuf Xuseen kasoo markii dambe qoraal xilka looga qaadayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ka soo qorey.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa taliye ku_xigeen qaybta waxaa loogu magacaabey Sarkaal kale oo magaciisa la yiraahdo Axmad Jiraale.

Wararka dheeraadka ah ayaa sheegaya in khilaafka Toogax iyo Taliyaha qaybta Booliska ay xalintiisa ku jirtey wasaarada amniga Puntland balse hakad galey kadib markii dhaawac soo gaarey Wasiirka amniga Cabdi Xirsi Qarjab.

Dadweynaha Puntland ayaa fahansan in xalinta khilaafka u dhexeeyey saraakiisha qaybta Booliska ka wada shaqeynayeen wasaarada amniga iyo taliska sare ee Booliska Puntland balse xafiiska Madaxweynaha Puntland faragalin ku sameeyey kadib markii xill cusub u soo magacaabey taliye ku-xigeen cusub.

Toogax oo ku doodadaya in xil ka qaadista lagu sameeyey sharci aheyn ayaa 26 June, 2016 habeenimadii gudaha u galey qaybta Booliiska gobolka halkaasoo is_rasaaseyn ku dhexmartey ilaalada Taliyaha xilka loo magacaabey Axmad Jiraale.

Labadaan Sarkaal Toogax iyo Jiraale ayaa wararku sheegayaan iney kasoo wada-jeeda gobolka Karkaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here