“Dumarku Inay Isku Dhex Kariskooda Iska Karsadaan Ayaa Wanaagsan, Rooda Axmed Yaasina Tallaabo Ayaan Ka Qaadaya” Faysal Cali Waraabe

0
538

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay eedayo uga y9mi guddooyimaha xisbiga ee gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin oo guddoomiyaha ku eedaysay inaanu metelin xisbiga iyadoo sidoo kalena sheegtay mawqifka guddoomiyaha ee maalgashiga dekedda Berbera aanu ka turjumayn mawqifka xisbiga.

00000000000000000000000000000000000000000000000
Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlay hadalo ka soo yeedhay Xildhibaan Qabille oo uu sheegay inaanu haba yaraatee xisbiga ka mid ahayn, Faysal Cali Waraabe oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi:
“Horta Xildhibaan Qabille xisbiga kuma jiro dad hortii aynuu naga tagay markuu arkay Jamaal oo murashax ah ayuu garabka na soo qabsaday anagana nooma yimaadee Jamaal ayuu la qayilaa, Rooda Axmed Yaasiin-a waa badhasaab Madaxwaynihiisii caayay, Haddii Siilaanyo u dulqaatay inuu badhasaabkiisii caayo anigu u dul qaadan mayo tallaabo ayaan ka qaaday, Rooda Axmed Yaasiin ma hor istaagi karto maalgashiga Dekedda Berbera way iska hadlaysa ma iyadaa hor istaagi karta way iska hadlaysaa, idinku (wariyayaal) kamaradihiina ha iskaga khasaarinina waad iska garanaysaane, dumarkuna inay xishoodaan ayaa wanaagsan oo ay isku dhex kariskoodii isku karsadaan Roodana tallaabo ayaan ka qaadayaa waayo anigoo magacaabay ayay i cayday”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here