“Wadahadaladii Xisbiga WADANI Iyo Garabka Isbahaysiga KULMIYE May Dhamaanin, “. Afhayeenka WADANI Oo Beeniyay War Hore Xisbigooda Uga Soo Baxay

0
484

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay war uu baahiyay masuul ka tirsan Xisbigaas oo war baahintu soo xigay, waxaanu sheegay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo afka Xisbiga ku hadlaayay halka ay marayaan wadaxaajoodkii ay la lahaayeen xubnaha Siyaasiyiinta Miisaanka Culus ee isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE.
Afhayeenka xisbiga WADDANI Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sheegay inay wadahadaladaasi ay socdaan balse aanay dhamaan, waxaana uu sheegay inay ku dhawaaqi doonaan marka ay dhamaadaan.

Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga WADDANI uu diyaar u yahay inuu qaabilo cid kasta oo ku soo biiraysa. isagoo arrimahaas ka hadlayna waxa uu yidhi:
“Wadahadalka uu Xisbiga WADDANI la leeyahay kooxda isbedel doonka xisbiga KULMIYE inuu yahay mid lagu guda jiro oo uu socdo walina aanu soo dhamaan, Insha allah marka uu dhamaystiro ee uu bislaado ayaanu shaaci doona”.
Warkan Afhayeenka Xisbiga WADANI ayaa waxba kama jiraan ka dhigayaa war hore uga soo baxay Masuul ka tirsan isla Xisbiga WADANI oo sheegay inay dhammaadeen wadahadaladii Xisbigu la waday Siyaasiyiinta Garabka Isbadal Doonka Xisbiga KULMIYE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here